4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
BELEDWEYNE: Fatahaadda Webiga oo Saameyn ku yeeshay Adeegii Bulshada (DAAWO Muuqaal)

Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Marxlad aad u Adag oo dhinaca Nolasha ah ayay Xilligaan Wajahayaan Dadka ku nool xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kaddib fatahaadii ugu darneyd oo sanadihii ugu danbeeyay uu geysto wabiga shabeelle oo maasheeyay inta badan afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada.

Biyaha oo si xawli ah u socda ayaa sacadba saacadaha ka danbeysa isa soo taraya, waxaana ay qaarkood bilaabeen in ay jaraan wadadda laamiga ah oo muhiim u ah isticmaalka dadka iyo gadiidka ka baxsanaya saameynta biyaha.

Guud ahaan degmada xilligan wax koranto ah malaha, kaddib markii ay dhulka ku dhaceen baalayaashii Xiriirinayay waayarada Dabka, taasoo keentay baqdinta ah in Dhibaato ka soo gaarto dadka ku dhax lugeynaya biyaha.

Sidoo kale waxaa xiran guud ahaanba goobihii ganacsiga magaalada, kuwaasoo Qaarkood Xitaa laga daabulay wixii hanti ahaa ee ku jiray, iyadoo laga cabsi qabo biyo soo gala.

Dadka barakacaya, ayaa intooda badan u baxsanaya deegaannada ku yaalla dhulka taaga ah sida Ceel-Jeelle ilaa Jente -Kuundisho oo ay ka dhisanayaan guryo macmal ah oo cooshado ka sameysan.

Dadka sida weyn ula socda Arrimaha fatahaadda, ayaa HOL u sheegay in biyaha oo kale la arkay sanadkii 1981-kii, inkastoo dhanka kale rajada dadku ay qabaan tahay in deegaanada Dhulka is-maamulka Soomaalida-Itoobiya laga soo sheegay in wax xoogaa biyaha Webigu hoos u dhaceen.

Ugu dambeyntii, Fahaadda Beledweyne oo ah mid inta badan soo Noqnoqta Sannad walba, ayaa la aamisan yahay in ugu yaraan maaro loo heli karo, haddii lala yimaado Aragti iyo qorshe wax ku ool ah oo la xiriira sidii looga fursan lahaa in biyuhu mar kale sidan oo kale u maasheeyaan Magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya