4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
SAWIRRO: Buug loogu Magac-daray (Qarankii is-qoor-gooyey) oo lagu soo Bandhigay Muqdisho

Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Munasaabad daaha looga rogayey buug cusub oo la magac baxay “The Suicidal State of Somalia” (Qarankii isqoor-gooyey) ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Buuggan waxaa qoray Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo haatan shahaadada Phd ku diyaarinaya jaamacadda Oxford ee wadanka Britain, isagoo ku taqasusay daraasaadka Afrika gaar ahaan Somalia, dhinaca kalena ah qoraa iyo cilmi baare.

Xaflada lagu soo bandhigay buugan oo ay soo qaban-qaabisay kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee jaamacada Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Jaamacada, qaar ka mid ah hormuudyada Jaamacada, arday fara badan iyo marti sharaf kale.

Hormuudka kuliyadda Dhaqaalaha & maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxiin C/qaadir Xasan (Shiil) ayaa ugu horeyn munaasabada hadalo furitaan ah ka jeediyey isagoo hadalka ku soo dhoweeyey Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah qoraaga buugga.

Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sheegay in buugiisa uu kaga waramayo taariikhda Soomaaliya gaar ahaan intii u dhexeysay sanadihii 1960-kii markii xoriyada la qaatay illaa 1991-dii oo aheyd markii ay burburtay dowladii milateriga aheyd ee dalka xukumeysay mudada 21-ka sano ah, isagoo tilmamay in buuga uu ka kooban yahay sadex qeybood oo kala ah Fanka Siyaasada, Cilmiga wadamada Afrika iyo Xaqiiq siyaasadeed.

“Waxaa horey u jiray qoraalo ka hadlaya arrimahan oo la soo bandhigay, balse buuggan wuxuu kaga duwan yahay waxaan ku soo bandhigayaa xoggo hoose iyo taariikho aan horey loo ogaanin oo ku saabsan xaaladihii uu dalku soo maray kuwaasoo aan ku sameeyey cimi baaris safaro adag aan u galay, maal iyo waqti badana loo huray” ayuu yiri Ingiriis.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Maxamed Xaaji ingiriis waxaa uu arar guud ka bixiyey arrimaha uu buugiisa diirada ku saaray, isagoo xusay inuu si qoto dheer kaga waramayo qaabkii ay ku dhismeen dowladihii rayidka ahaa ee talada dalka isaga dambeeyey markii la qaatay xoriyada ka dib 1960-kii gaar ahaan kuwii ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii kala ahaa Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan cadde), C/rashiid Cali Sharmaarke iyo dowladii milateriga aheyd ee xukunka dalka qabsatay afgembiga uusan dhiiga ku daadan 1969-kii, uuna hogaaminayey Marxuum Jen. Maxamed Siyaad Barre iyo waliba Jabhadihii dowladaas xukunka ka tuuray 1991-kii.

Waxaa uu sheegay ingiriis in buugiisa uu kaga waramay wanaagii iyo qaladaadkii ay sameeyeen dowladahaas dalka soo maray & fara gelintii shisheeye ee xiligaas jirtay isagoo soo xiganaya wareysiyo uu ka qaaday siyaasiyiin iyo saraakiil si weyn looga yaqaano dalka xilalna ka soo qabtay dowladihii berigaas jiray kuwaasoo xog ogaal u ah xaaladihii dalka ka jiray wuxuuna qoraagu ugu dambeyn si saraaxad leh uga jawaabay suaalo ku saabsanaa buugiisa oo ay weydiiyeen ka soo qeyb galayaasha munaasabadan.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ugu dambeyn khudbad kooban ka jeediyey munaasabada ayaa ku bogaadiyey qoraaga buugga sida cilmiga leh ee uu u baaray, waxna uga qoray xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.

“Qoraaga isaga iska leh masuuliyada waxa ku qoran buugan uu soo bandhigay, Jaamacada Banaadir ma taageersana kamana soo horjeedo, balse waxay soo dhoweyneysaa jaamacadu aqoonyahanada isagoo kale ah ee sida cilmiga ku dhisan ee aan caadifada laheyn daraasada uga sameeya xaaladaha dalka sida siyaasada, taariikhda, caafimaadka iyo laamaha kale ee cilmiga, iyagoo adeegsanaya xirfad dhexdhexaadnimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

Dr. Dalmar ayaa Maxamed Xaaji Ingiriis ku amaanay dedaalka uu u galay diyaarinta buuggiisa iyo sida uu u doortay inuu ku soo bandhigo Jaamacada Banaadir iyadoo Xamar ay ka jiraan jaamacado kale oo badan “Waxaan aamnisanahay inuu Jaamacada Banaadir ku doortay dhex-dhexaadnimada iyo iney tahay mid shacabka Soomaaliyeed u dhexeysa” ayuu yiri Dr. Dalmar wuxuuna aqoonyahanada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay iney ku daydaan.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka dhinaca waxbarashada ee jaamacadda Banaadir Khaliif Warsame, hormuudka Kuliyadda culuunta Caafimaadka ee Jaamacadda Xasan Kaafi, Dr. C/raxmaan Fiqi oo ka tirsan masuuliyiinta Jaamacada Banaadir iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya