4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
Wasaaradda Dastuurka oo Tababar u soo Xirtay Xubno ka socday Bulshada Rayidka (SAWIRRO)

Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Tababbarkaan oo ay Maal-galineysay Hay’adda EISA oo wasaaradda ka caawiso arrimaha dastuurka ayaa loo qabtay xubno ka kala socday ururada bulshada rayidka ah ayaa la xiriiray Xog la wadaagista iyo ka qeybgalinta ururada bulshada Rayidka geeddi socodka Dib u eegista Dastuurka.

C/llaahi Maxamed Shirwac guddoomiyaha daladda Sosensa ayaa ka qayb-galayaasha ka codsaday in waxa lagu baray tababarka ay ugu shaqeeyaan bulshada ay ka yimaadeen iyo qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan idninka codsanayaa in aad ugu shaqeysaan aqoonta aad faa’ideen bulshadiina maxaayeelay hadii aadna adinku fahansiin bulshada dastuurka aragti qaldan ayay ka haystaan mana u heystaan in iyagu ay leeyihiin dastuurkaan”ayuu yiri Shirwac.

Madaxa hay’ada EISA Justin doua ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha sida ay u ilaaliyeen waqtiga mudadii uusocday tababarka .

Waad kumahadsantihiin sidaad u ilaaliseen waqtiga iyo sidaaad u dhageysateen casharadii la idinsiinayay, anagu mar waliba waan idinku caawinaynaa wixii aan awoodno laakiin waa in aad ka faa’iideeysataan waxa la idinbarayo”ayuu yiri Justin.

Agaasimaha wasaaradda dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa sheegay in kulamadaan ay qayb ka yihiin ballanqaadyadii dowladda ee ah gaarsiinta qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ugala jeednaa oo kulamadaan loo qabanaayo waa sidii bulshada loo wadagaarsiin lahaa dhamaan bulshada fahamka Dastuurka Dalka, maxaa yeelay xubnahan ka socda ururrada bulshada rayinka waxa ay xog fiican ka hayaan rabitaanka umadda ay ku dhexjiraan, horey waxaan tababar kaanoo kale ah ugu qabanay shaqaalaha wasaaradda dastuurka iyo shaqaalaha gudiyada ku shaqadaleh dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka Soomaaliya”.ayuu yiri Mudane Zubeyr.

Tababarkan ayaa imaanaya iyadoo ay socoto doodad la xiriirta dib u eegista dastuurka dalka iyo sidii loo suuragalin lahaa in ugu dambeyn la gaarsiiyo Afti dadweyne Dastuur dhammeystiran oo uu dalku yeesho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya