4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
ERDOGAN HOSPITAL (Ex-Digfeer) – Astaanta soo celinta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya

 
Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Isbitaalka loogu magac-daray Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan Ex-Digfreer, waa isbitaal ay maal-gelisay 100% Xukuumadda Turkiga, isla markaana ay gacanta ku hayaan.

Isbitaalkan ayaa wuxuu u adeegaa qaybaha kala duwan ee caafimadka, isagoo ah isbitaal ay u dhan yihiin dhamaan Qaybaha kala duwan ee lagu daweeyo bukaanada yimaada, iyadoo qofka laga qaado lacag aad u jaban, dadka aan awoodda u lahayn in ay iska bixiyaan kharashkana uu maamulku caawiyo.

Ku-xigeenka Maamulka Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer), Xuseen Maxamed Nuur oo u waramayey HOL ayaa sheegay in isbitaalka ay maamulkiisa sare gacanta ku hayso xukuumadda Turkiga, heyna doonaan mudo shan sano ah mudadaas shanta sano ahna aan isu diyaarino sidaan ula wareegi lahayn guud ahaan shaqada Isbitaalka.

Qalabka Isbitaalka Yaalla

Marka laga hadlo isbitaalkan wuxuu kaga duwan yahay isbitaallada kale ee Somalia, ayuu maamulku sheegay in ay tahay saddex waxyaabood oo kala ah; Taliyada Guud (Quality), Qalabka (Equipment) iyo Qiimaha (Cost).

Sidoo kale, Isbitaalka waxaa u dhan qalabka looga baahan yahay isbitaallada caalamka ku yaalla, waxaana ka mid ah; Raajada Guud, Raajada Ilkaha, Dhagax-jabinta kilyaha, Tomogaraafi CT Scan, MRI iyo Sheybaar dhameystiran.

“Isbitaalku waa mid bulshada oo dhan u adeega, bukaanada loo adeegayana waxaa laga qaadaa qiimo jaban, si isbitaalku uu u noqdo mid isku filan mustaqbalka soo socda,” ayuu yiri maamule ku xigeenka Isbitaalka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Tusaale ahaan Isbitaalka waa midkii ugu horreeyay ee dalka keena qalabka casriga ah ee lagu sifeeyo kilyaha iyadoo ruuxa bukaanka ah laga qaado lacag dhan 35 Doollar, dadka dan-yarta ah ee aan awoodi karina laga caawiyo kharashka.”

Mudane Xuseen ayaa sheegay in mishiinnada lagu sifeeyo kilyaha ay gaarayaan 10, balse ay doonayaan inay gaarsiiyaan illaa 32-mishiin dhawaan.

Sidoo kale, Maamule ku xigeenka ayaa xusay in Isbitaalka uu leeyahay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin; qaybta xannaanada bukaannada khatarta ah (Intensive Care Unite), qaybta caruurta, qaybta jiifka bukaanada, qaybta dumarka iyo qaybta umuslisada, isagoo raaciyay in isbitaalka ay ka shaqeeyaan Dhakhaatiir isugu jira Soomaali iyo Turki.

Dhakhaatiirta ugu badan ee Isbitaalka ka shaqeeya waa Turki. Shaqaalaha guud ee Isbitaalka tiradoodu waa 319-ruux oo Soomaali ah. Dhanka kale, Isbitaalku wuxuu leeyahay qayb waxbarasho oo ay wax ku bartaan qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Sidoo kale Isbitaalka ayaa waxaa qorshaha ugu jira inay furaan Dugsi ay wax ku bartaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka.

Ugu dambeyn, Somalia oo muddo 25-sano ka badan kusoo jirtay colaado, iyadoo daryeelka caafimaadka uu muddadaas aad u liitay, ayaa isbitaalka Erdogan oo ah Isbitaal casri ah, wuxuu aasaas u noqon karaa soo celinta daryeelkii caafimaad ee Soomaaliya, waxaana ka faa’iideysan kara dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Hiiraan Online, News Desk