4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2016
Diyaaraddii Egypt Air oo la Rumeysan yahay inay Dhacday iyo Bur-burkeeda oo la Baadi-goobayo


Jimco, May 20, 2016 (HOL) — Diyaaraddii lahaa dalka Masar ayaa la rumeysan yahay in ay burburtay, iyadoo burburkeeda ay baadi-goob lagu hayo, waxaana la waayay xili ay dul-maraysya badda Mediterranean-ka.

Diyaaradu waxay kasoo duushay shalay garoonka diyaaradaha Magaalada Paris, iyadoo ku socotay Magaalada Qaahira ee xarunta Masar, waxaana la socday 66-qof oo isugu jiray 56-rakaab ah oo u dhashay Masar iyo Faransiiska iyo 10-shaqaale ahaa.

Diyaaradda ayaa khadka laga waayay wax-yar kaddib markii  ay ka duushay Paris, iyadoo shaki laga qabay in diyaaraddu ay la kulantay falal argagaxiso, balse maanta ayaa la sheegay in loo maleynayo inay burburtay.

Wasiirka Duulista Dalka Masar, Sherif Fathy ayaa sheegay in Faransiisku uu mas'uul ka noqonayo wixii guul-darro amniga ah, haddii la ogaado in argagixiso ay sabab u tahay shilka diyaaraddooda

Madaxweynaha dalka France, Francois Hollande ayaa sheegay inay tahay in si dhab ah loo ogaado waxa dhcay kahor inta aan qiyaas la sameyn. Isagoo yiri. “Waa inaan xaqiijinaa inaan wax walba oo ku saabsan sababta keentay dhicitaanka diyaaradda aan ognahay, mana jirto wax meesha laga saarayo.”

Ugu dambeyn, Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama lagu War-geliyey wararkii ugu dambeeyey ee shilkan, iyadoo tani ay noqonayso mid ka mid ah musiibooyinka caalamka ka dhacayay sannadkan lagu jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya