4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2016
Ururkii UDHIS ee Iskaashatooyinka Soomaaliya oo Mar kale Boorka laga Jafay (SAWIRRO)

Axad, May 01, 2016 (HOL) — Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS, ayaa dib boorka looga jafay, iyadoo 24-kii bishii hore ee Abriil la dhagax-dhigay xarunta ururkan uu ku shaqeyn doona oo ku taalla waddada Warshadaha ee Muqdisho, waxaana goob-=joog ka ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Somalia, Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed, Cali Cabdulle Guure oo HOL la hadlay ayaa xusay in mashruucan uu yahay mid aan ku hawl-gelinayaan hawlihii Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed, sida Kaluumeysiga, Xoolaha iyo Beeraha.

“Waxaan doonaynaa inaan horumarinno Iskaashatooyinka dalka oo dhan, waxaan doonaynaa inaan dhisno biyo xireenno, si bulshadeennu uga faa’iidyestaan,” ayuu yiri Cali Cabdulle Guure.

Sidoo kale, Guure ayaa xusay in labada webi ee dalka uu ku yaallo dhul beereed uu dhirirkiisu yahay 8900 oo hiktar, ayna Soomaaliya leedahay bad dhererkeedu yahay 3333-km. Isagoo xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii dhammaan ilahaan dhaqaale ay Soomaalidu uga faa’iideysan lahayd.

“Innagoo leh dhul beereedka iyo badda intaas le’eg inaan caalamka raashin caawino ah weydiisanno dhibaato ayay nagu tahay… Dowladihii hore markii ay jireen innaga ayaa raashin ku caawin jirnay dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan markii ay la soo guboonaato dhibaato,” ayuu yiri Guure.

Dhanka kale, wuxuu xusay in Somalia aysan u baahnayn in loo qodo shidaal, laakiin ay ku gaari horumar iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loo abuuro, haddii ay si wadajir ah xoogga u saara Wax-soo-saarka dhinacyada Kalluumeysiga iyo Xoolaha.

Guure ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in caalamka ay ka doonayaan inuu gacan ka siiyo dhinaca qalabka Beeraha iyo Kalluumeysiga, laakiin aysan ka doonayn Raashin iyo wixii la mid ah. Isagoo xusay in Soomaalida haddii la qalabeeyo ay isku filaasho gaari karaan.

“Qof walba oo Soomaaliya xubin wuu ka noqon karaan Ururkan UDHIS, Waana inay Soomaalidu wax-qabsato, waxaana cid walba oo Soomaali ah laga doonayaa inay dalka maal-gashi ku sameystaan, intii ay waddo kale oo aysan lahayn maal-gelin ku sameyn lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Guure.

Ugu dambeyn, Cali Cabdulle ayaa sheegay inay doonayaan inay dib u soo celiyaan Warshadihii Sokorta Soomaaliya, Warshadihii Suufka iyo dharka ee Balcad, Hiiraan iyo Mugambo iyo kuwo kale, si dhallinyarada Soomaaliyeed ee badaha maalin walba ku dhamaanaya loogu abuuri lahaa shaqooyin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya