4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2016
Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo u xayiran Roobabka xiliga gu'ga

Axad, May 01, 2016 (HOL) — Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ma jirin rakaab ka dhooftay ama ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo u xayiran roobabka xiliga gu'ga ee ka da'aya magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Tani ma'aha arin ku cusub shirkadaha duulimaadyada isticmaala garoonka iyo siddoo kale maamulka gobolka Hiiraan oo canshuurta ugu badan ka hela diyaaradaha, laakiin waxaa la oran karaa waa caqabad mar walba saameyn ku yeellata dadka rayidka ah ee doonaya in ay ka dhoofaan ama ka soo degaa garoonka oo ay qasab ku tahay xiliyada oo kale ay u safraan degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud oo ah halka ugu dhaw oo ay ka heli karaan duulimaad diyaaradeed.

Marka laga soo tago diyaaradaha rayidka ah sidoo kale duullimaadyada ugu badan ee isticmaala garoonka ayaa waxaa ka mid ah kuwa QM iyo AMISOM oo laakiin marnaba aan dareemin saameynta arintan, madaama xiliyadan oo kale marka ay da'aan roobabka adeegsada diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter -ka).

Kulamo is daba joog ah oo marar badan oo hore qeybaha bulshadu ka yeesheen dhibaatada ay roobabku ku hayaan isticmaalka garoonka, ayaan waxba ka soo bixin, waxaana muuqata in ay jirto isku halleyn iyo in qeyb ka mid ah bulshada u arkaan dib-u-hagaajinta garoonka arin u taalla maamulka oo canshuurta ugu badan ka hella.

Sidoo kale, waxaa jirta eedeyn loo jeedinayo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo shirar is daba joog ah oo arintan lagala yeeshay iyo balan-qaadyo ay horay u sameeyeen aan wax badan ka oofin, taasoo keentay in leyskaba hilmaamo dib-u-dhiska garoonka oo u baahan oo kaliya  in sare loo qaado Run Way -ga, ay diyaaraduhu isticmaalaan, walloow diyactir aan siddaa u sii badneyn marar hore lagu sameeyay jidadka diyaaraduhu ku cararraan.

Garoonka iyo deegaannada ku dhaw dhaw intaba waxaa saldhigyo militari ku leh ciidanka Midowga Afrika AMISOM oo ilaalo xoog leh ka haya, mana sahlana in aan aad Gudaha garoonka gasho, adiga oo aan marin baaritaanno adag oo ay sameynayaan ciidammada Jabuuti oo saldhiga ugu weyn halkaa ku leh.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu qarax ka dhacay ilinka hore ee garoonka qeybta lagu baaro dadka rakaabka ah, waxaana dhacadadaa loo xir xiray dadka rayid ah oo markii danbe qaarkood la sii daayay.

Ugu danbeyntii haddii ay sii socdaan roobabka xiligan gu'ga ee da'ya, waxaa hubaal ah in waqti intaa ka sii badan uu sii xirnaan doono garoonka oo laga yaabo in meelaha qaar ka sameysmaan boholo biyo fariisin ah.

Hiiraan Online, News Desk