4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2016
Kenya oo Gubtay Foolal Maroodi; Sidee Arintaa Loo Arkay?

Axad, Mey 01, 2016 (HOL)-Wadanka Kenya ayaa waxaa shalay lagu gubay tobanaan tan oo foolal maroodi ah. Foolashaa maroodi oo shalay lagu gubay Nairobi ayaa waxay sare u dheefeen boqol tan waxaana arintaa looga soo horjeedaa ugaarsiga maroodiyada si foolasha loogala baxo.

Waxay ahayd tiradii ugu badneyd ee foolal maroodi ah oo lagu gubo caalamka sida wararku sheegayaan si looga niyad jebiyo dadka shaqada ka dhigtay ugaarsiga maroodiga isla markaana waxay ka dhigneyd farriin ah foolasha inaan loo dhaafeyn dhib walba oo ay usoo maraan.

Foolashaa ayaa meelo kala duwan oo caalamka ah gaar ahaan dalalka kala duwan ee Afrika laga kala keenay waxaana suuq uu foolka maroodigu ka leeyahay qaarada Asia halkaas oo laga sameeyo alaabo kala duwan.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dabka qabadsiiyay ayadoo madaxweyneyaal kale oo Afrikaan ah ay arintaa goob joog u ahaayeen.

Ali Bongo, madaxweynaha Gabon ayaa sheegay in xataa argagixso lacagta laga helo foolasha maroodiga lagu maal galin karo sidaa darteedna ay habbooneyd in la gubo foolashaa maroodiga oo dadyow kala duwan oo safarsanaayay laga soo qabtay.

Xafiiska Wararka ee HOL,
Magaalada Nairobi, Kenya.