4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2016
Madaxweyne Xasan: Tiknolojiyadda iyo Sayniska waa Furaha horumarka Somalia (SAWIRRO)

Arbaco, Maarso 09, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay Munaasabad lagu Dhagax-dhigayay xarunta Kulliyadda Sayniska oo lagu qabtay Muqdisho ayaa xusay in horumarinta culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda ay tahay tallaabada keliya ee Soomaaliya ay kula Tartami karto Caalamka intiisa kale.

Xaruntan Culuunta Sayniska iyo tiknolojiyadda ayaa waxaa laga hir-gelinayaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia Soomaaliya iyo marti-sharaf kale oo lagu casuuumay.

“Dib u dhiska Wadankeena waa waajib na saaran, mana ahan in horumarkeena aan cid kale ku halayno. Waa wax lagu faano in baaqii ahaa (DALKAAGA DHISO) oo dad badan ay u is-taageen inay Waddankooda dhisaan. Culuunta Sayniska iyo Tiknoloojiyada waa muhiim waana aasaaska horumarka. Waxaana Jaamacadda Ummadda ku bogaadinayaa tallaabadan lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeeggan muhiimka ah,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhiska Somalia ka socda ee Bulshadu ay qabanayaan uu ka mid yahay mashruuc waddo dhererkeeda lagu qiyaasayo ilaa 500-km oo isku xiri doonta Muqdisho & Hobyo, taasoo qayb ka ah horumarinta kaabeyaasha Xeebaha Soomaaliya, noqona doonta waddadii gu horreysay ee nooceeda ah oo laga fuliyo Somalia, isla markaana Aqoon-yahanno Soomaaliyeed ay wax ka dhisayaan.

Khudbada Madaxweynaha ka hor ayaa waxaa hadalo ka jeediyay munaasabaddan Wasiirka Waxbarashada, Khadar Bashiir Cali, Wasiirka Hawlaha Guud Injineer Saalax Sh. Cusmaan iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamed Axmed Jimcaale.

Xubnahan ayaa khudbadahooda ku sheegay in dib u hawl-gelinta Kulliyadaha Sayniska iyo Tiknoloojiyadda ay qayb ka yihiin baaqii Madaxweyne Xasan ee ahaa in dib loo soo celiyo hantidii iyo adeegyadii ay lahayd Jaamacadda Ummadda.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Sannadkii 2013-kii dib loo hawl-geliyay, ayaa waxay ka kooban tahay lix kulliyadood, waxaana wax ka barta ilaa iyo 750 arday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya