4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
WASIIRKA AMNIGA: Hubkii Ciidamada Badda Australia ay Qabteen Wuxuu ku socday Shabaab


Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta shaaca ka qaaday in hubka ay qabteen ciidanka Badda dalka Australia uu ku wajahnaa Al-shabaab.

C/risaaq Cumar ayaa intaa ku daray in xukuumadaha Somalia iyo Austalia ay u billowdeen Wadahadalo la xiriira hubkan, oo ciidamada badda Australia ay ku qabteen xeebo ku dhow dalka Cummaan.

“Xukuumadaha Soomaaliya iyo Australia waxay ka wadahadlayaan hubka Ciidanka Badda Australia ay Toddobaadkan Qabteen, weli waxaa socda Baaritaannada ku aaddan Hubkaan, Maalmaha soo socdana faahfaahin ayaa kasoo bixi doonta,” ayuu Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa Hadalkiisa Raaciyay in Hubkan lagu qabtay doonta uu Al-shabaab u socday, faahfaahin intaan ka badanna ay kasoo saari doonaan, marka baaritaanka socda lasoo gaba-gabeeyo.

“Annagu waxaan 100% ognahay in hubkan uu ku socday Xarakada Al-shabaab, mana rabo inaan ka hordhaco Baaritaanada socda. Balse markii baaritaanka socda lasoo gaba-gabeeyo ayay wax walba caddaan doonaan,” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga gudaha Somalia.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga ayaa ka hadlay Duqeyntii Diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Mareykanka ay horraantii todobaadka ku duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Bartamaha Somalia, isagoo sheegay in Xubnihii lagu dilay Duqeynta ay gaari karto 200 oo xubnood oo Al-shabaab ah.

“Waxaa duqeyntan lala beegsaday Saldhig ay Tababar ku qaataan Al-shabaab oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, Waxaana Xilliga duqeyntani dhacaysay Halkaas ka socotay Xaflad Tababbar loogu soo Xirayay xoogag ka tirsan Al-shabaab,” ayuu yiri C/risaaq Cumar oo la hadlayay VOA-da.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Somalia ayaa xusay in weerarrada noocan ah ay ku yihiin dhabar-jab Al-shabaab. Dhanka kalena Al-shabaab ayaan ka hadlin weli hubka la qabtay ee uu Wasiirku sheegay inuu ku socday Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya