4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo si weyn looga Xusay Magaalada Kismaayo [SAWIRRO]

Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose, ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda 8-da Maarso oo ah maalin Caalamiga ah ee Dunida oo dhan laga xuso Maalinta Haweenka Adduunka.

Boqollaal haween ah oo ay ka dhex-muuqdeen dhalinyaro ayaa socod kusoo maray jidadka waaweyn ee magaalada Kismaayo, ayagoo sitay boorar ay ku xardhanaayeen halku-dhigyo ay ku muujinayaan xuska maalinta haweenka.

Haweenkaan ayaa tagay Hoolka weyn ee Daawad, Halkaasoo ay uga horreeyeen Madax ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne ku-xigeennada iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Jubbaland, Qamar Deeq Khaliif oo Goobta ka hadashay ayaa xustay inay maanta tahay maalin u gaar ah Haweenka, iyadoo Hambalyo ku aadan maalintan u dirtay guud ahaan haweenka caalamka, waxayna sidoo kale sheegtay in haweenku ay had iyo jeer u taaganyihiin raadinta xuquuqda ka maqan oo ay sheegtay in ay ka mid tahay inay wax ku yeeshaan hogaanka dalka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Jubbaland, Batraan Muxumed Cabdulle oo ka Hadashay Munaasabadda ayaa Mas'uuliyiinta Jubbaland ka Codsaday in Haweenka ay Qayb weyn ka siiyaan Hay'adaha kala duwan ee Dowladda, waxayna sidoo kale ugu baaqay Haweenka ka tirsan Baarlamanka inay u ololeeyaan sidii haweenku ku heli lahaayeen Saamiyada ay xaqa ugu leeyihiin Hoggaanka Dalka.

Munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Haween, kuwaas oo Muujiyay dhammaantood sida ay u soo dhaweynayaan maalinta caalamiga ah ee Haweenka Dunida.

Ugu dambeyn, Waxaa munaasabada soo xiray madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo sheegay in haweenku kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, isagoo ballan-qaaday inay Jubaland haweenka siinayso saamiga dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya