4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
C/CASIIS DUUROW: Duqeyntii Xerada Raaso waxaa lagu dilay 18 ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab


Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, C/casiis Duuroow ayaa sheegay in 18-sarkaal oo Al-shabaab ka tirsan lagu dilay weerarkii duqeynta ahaa ee Mareykanka ku burburiyay Sabtidii Toddobaadkan saldhig ay Al-shabaab ku lahayd duleedka degmada Buulo-burte.

Duqeyntan ayuu sheegay Duuroow inay ka dhacday deegaan ku dhow Dhariyow oo 60-km Galbeed kaga beegan Buulo-burte, iyadoo Xukuumadda Washington ay sheegtay in ay 150 dagaal-yahan oo Al-shabaab ah ay ku dileen duqeyntaas, Laakiin Al-shabaab ayaa beenisay in Tiradaas laga dilay, inkastoo ay qireen in Duqeyntu ay jirto.

“Warbixinnada aan helayno waxay sheegayaan in Saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ee lagu dilay duqeynta ay ku jiraan; Sheekh Maxamed Mire iyo Sheekh Yuusuf Cali Ugaas,” ayuu yiri guddoomiyaha Degmada Buulo-burte.

Sidoo kale, Saraakiishan uu sheegay C/casiiis Duuroow in lagu dilay duqeynta ayaa waxay kala ahaayeen; Sheekh Maxamed Mire oo ah mas'uulka Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo horay xilkaan u soo qabtay.

C/casiis Duurow ayaa xusay in saraakiishan ay xerada la duqeeyay u tagteen ka qayb-galka munaaasabad Tababar loogu soo xirayay dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab oo Tababbar ku dhameystay Saldhiggaas.

Ugu dambeyntii, Mareykanka iyo Al Shabaab ayaan sheegin Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay duqeynta saldhigaas oo ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyeyaasha lahayn ee Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya