4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2016
Badmareeno ka tirsan Hawlgalka Atalanta oo tababar siiyay ciidamada ilaalada badda ee Somaliland.

Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL)-Badmareeno katirsan Hawlgalka Atalanta ee FGS Erfurt ayaa u gudbiyay tababar khaas ah arday ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland.

EUCAP Nestor wa ergo rayid ah oo ku hawlan, kalin hor lehna ka qaadata nabadgeliyada badda Soomaliya. Hawlgalka Atalanta ayay si wada jir ah u wadashaqeeyaan iyago ku dadaalaya sidii ay Somaliya u gaadhi lahayd iskufillaansho xagga amniga badda ah.

Mawduuca tababarkani wuxu ahaa aaladaha war isgaadhsiinta ee raadiyaha badda loo isticmaalo khaasatan alaada casriga ah ee loo yaqaan AIS ee ay maraakibta waaweyni isticmaalan iyo waliba aalada radaarka ee lagu hago maraakiibta.

Ardaydii ka qeyb qaadatay tababarkan -aqontii ay ka soo fa’idaysteen waxaa looga fadhiyaa inay la doontaan qolka aaladaha war isgaadhsiinta casriga ah ee magaala xeebedka Berbera.Waxay halkaasi ku hagi doonan marakiibta kana weeciyaan waxyabaha khatarta ah ee ku soo socda iyo waliba  inay ilaalin doonaan dawyada marakiibtu ku kala gooshayaan.

Taliye Erfurt’s Deck oo macallimiintii ka mid ahaa ayaa wuxuu yidhi “waxaa farxad ii ah inaan aqontayda uga faa’ideeyo ardayda waxaana sharaf ii ah inaan la qaybsado waayo-aragnimadayda dadka ku dhaqan magaaladatan si ay iyaguna u samaystaan ciidanka ilaalada xeebaha. Madaxa tababarka  ee EUCAP Nestor ka socday ayaa yiri “caqabadihii ugu waaweynaa ee an la kulanay waxaa ka mid ahaa in dadka la fahamsiiyo masuuliyada ciidanka ilaalada xeebaha iyo xiriirka u dhexeeya kallumaysiga sharci darrada ah iyo burcad badeeda”

Hawlgalka Atalanta wuxu ka shaqeynaayay nabadgeliyada badda Soomaliya tan iyo 2008.