4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
SAWIRRO: Hay’ada SSWC oo Maanta Xustay 08-da Maarso tababarna u soo xirtay 100 Haween ah

Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Hay’ada SSWC ee Badbaada Haweenka & Carruurta Soomaaliyeed, ayaa maanta Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haween-weynaha Adduunka oo ku beegan 08-da Maarso ku qabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kale hay’adu ay Shahaadooyin Guddoonsiiyay 100 Gabadhood ah oo dhameystay tababarro xirafdeed ay hay’addu siisay.

Munaasabada Xuska iyo Shahaado bixinta isugu jirtay ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka Socda Ururrada Bulshada Rayidka, Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, mas’uuliyiinta hay’adda SSWC iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Hay’adda SSWC, Maama Aamina Xaaji Cilmi oo Munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa ka Warbixisay Haweenka ay tababarka siiyeen iyo xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 08-da Maarso, Waxayna ku boorrisay Gabdhihii uu tababarka u dhammaaday inay ku shaqeystaan xirfadaha la baray.

“Maanta waa maalin qiimo weyn leh lana xusayo maalinta Haweenka Aduunka, Waxaanan la wadaagaynaa xuskaan Haweenka caalamka oo dhan. Haweenka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Maadaama aan Muslimiin nahay, Xuquuqdeenna lagu faahfaahiyay Diinteena Islaamka, taasaana ayaana naga badan,” ayay tiri Maama Aamino Xaaji Cilmi.

DHAGEYSO: Khudbadihii laga jeediyay Xafladii SSWC ee lagu Xusay 8-da Maarso;

Maama Aamino Xaaji Cilmi ayaa intaas ku dartay. “Maalinta la Xuso Maalinta Haweenka Adduunka waxay soo bilaabatay, Dagaalkii labaad ee adduunka markii haween warshad ka shaqeynayay loo diiday in mushaarkooda la siiyo, markaasoo ay dhigeen bannaanbax weyn oo ay ku dalbanayeen xuquuqaadkooda, maalintaa ayaana loo aqoonsaday maalinta la xuso Haween-weynaha Adduunka.”

Sidoo kale, Haweenkii tababarka la siiyay ayay kula dardaarantay inay xifradaha la baray ku shaqeystaan, Waxaana idin kugu Hambalyeynayaa qalabka maanta la idin siiyay, waana inaad ku shaqeystaan oo aadan iibsanin.

Caasho Shaacuur Ugaas oo iyana munaasabadda ka hadashay ayaa haweenkii la Tababaray uga digtay in Qalabka ay Hay'adda SSWC siisay ay iibsadaan ama la arko iyagoo Tuugsi u taagan Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku boorrinayaa haweenka xirfadaha kala duwan la baray inay noqdaan kuwo ka shaqeystaa aqoonta la siiyay, waxaana hay’adda SSWC ugu baaqayaa inay halkaas kasii waddo tababaridda haweenka Soomaaliyeed,” ayay Caasho Shaacuur ku tiri hadalkeeda.

Boqolkan Haweenka ah ee Hay’adda SSWC ay shahaadooyinka Guddoonsiinaysay Maanta ayaa waxaa la baray Xirfado ay ka mid ahayd; Hal-abuurka Ganacsiga, waxaana haweenka uu tababarku u socday muddo dhawr bilood ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Hodan, C/qaadir Cali Kulane oo isagana xafladda ka hadlay ayaa ka mahad-celinayay Madaxda Hay’adda iyo Shaqaalahooda dadaalkooda ay ku xoojinayaan Haweenka Soomaaliyeed.

Hal-ku-dhigga Sannadkaan 2016-ka ee Maalinta Haweenka Adduunka ayaa ah; Sidii lagu gaari lahaa Sinnaanta Jinsiga oo 50-50 ah, marka la gaaro Sannadka 2030-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya