4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
Al-shabaab oo sheegtay in la duqeeyay saldhig ay leedahay Balse laga bad-badiyay tirada dhimatay


Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa qirtay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeeyeen saldhig ay ku leeyihiin bartamaha Somalia, balse waxay sheegeen in tirada Mareykanka uu sheegay inay ku dileen ee 150-ka Xubnood ah ay tahay mid la buun-buuniyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka ayaa shalay shaacisay inay duqeyn ay ka geystay Sabtidii xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahayd bartamaha Somalia ay ku dileen 150 dagaalyahan.

“Diyaaradaha dagaalka Mareykanka Waxay duqeeyeen deegaan ay maamusho Al-shabaab. Balse waa mid laga bad-badiyay tirada ay sheegeen Mareykanka inay duqeyntan ku dileen. Sababo ammaan awgood ma jirto 100 xubnaheenna ka mid ah in hal goob ay isugu taagan. Waayo waxaan ognahay in hawada oo dhan diyaarado ay ka buuxaan,” ayuu Afhayeenka u qaabilsan Al-shabaab dhakna howlgallada, C/casiis Abuu-Muscab uu u sheegay Reuters.

Sidoo kale, Afhayeenku ma uusan sheegin tirada duqeyntan looga dilay. Iyadoo la sheegay in duqeyntan ay ka qayb-qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa kale, iyagoo duqeynta la sheegay in lala beegsaday Xero lagu magacaabo Raaso.

 

Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee ay duqeyntaan ku dileen uu Tababarkoodu ahaa mid Gabo-gabo ah ayna ahaayeen kuwo khatar ku ahaa AMISOM iyo Maryekanka.

Waa markii ugu horreysay oo Mareykanku ay sheegaan in tiro intaas le’eg oo ka tirsan Al-shabaab ay sheegaan inay duqeyn ku dlieen, tan iyo markii ay ka billaabeen duqeymaha ay ku beegsanayaan Al-shabaab gudaha  Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, C/casiis Duuroow oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in duqeynta Mareykanka lagu dilay 150-ka qof  ee uu Sheegay Mareykanka, isagoo intaas ku daray in Deegaanka Duqeyntu ay ka dhacday uu ku dhow yahay degmada Buulo-burte.

Ugu dambeyntii, Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar oo la hadlay Reuters ayaa isna sheegay in dowladda Somalia ay ka warhayeen duqeynta uu Mareykanku la beegsaday saldhigga ay Al-shabaab lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya