4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2016
SAWIRRO: Xuska Toddobaadka Wacyi-gelinta Cudurka Glaucoma-da oo lagu Qabtay Muqdisho

Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu xusayey Todobaadka wacyi-gelinta iyo la Dagaalanka cudurka Glaucoma (World Glaucoma week) kaasoo ah cudur halis ah oo baabi’iya aragga ayaa lagu qabtay Muqisho.

Xuskan ayaa waxaa si Wadajir ah u soo Agaasimay Munaasabadan Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, Jaamacadda Banaadir iyo heyadda caalamiga ah ee Beat Invisible Glaucoma (BIG), waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamanka Soomaaliya, maamulka iyo hormuudyada kuliyadaha Jaamacadda Banaadir qaarkood, aqoonyahano arday iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ahna dhaqtar ku taqasusay cudurada Indhaha ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay dhibaatada uu bulshooyinka caalamka ku hayo cudurkan, noocyada uu u kala baxo, calaamadaha lagu garto, dadka halista ugu jira in laga helo iyo habka loo daweeyo, loogana hortago.

“Glaucoma waa cudur indhaha ku dhaca oo baabi’iya aragga, dheecaan ama biyo ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. cadaadiskana wuxuu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (Optic nerve) waxana uu sababaa in qofku uu arag beelo, Badanaa marka hore waxa waxyeelo soo gaartaa aragga dhinacyada ugu dambeyna aragga xagga hore ayuu baabi’iyaa haddii aan laga gaarin” ayuu yiri Dr. Dalmar oo sidoo kale ah Gudodomiyaha Jaamacada Banaadir.

Waxaa uu sheegay in cudurkan uu kala baxo labo nooc oo kala ah mid xagal-furan (Open-angle Glaucoma) wuxuuna xusay in noocan uusan laheyn calaamado lagu garto iyo kan labaad oo ah Glaucoma xagal-xiran (Angle-closure Glaucoma) wuxuuna leeyahay ayuu yiri cadaadiska oo dhakhso sare ugu kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada oo ay ka mid yihiin in qofku uu si deg deg ah u arag beello.

Soomaaliya ayuu sheegay dhaqtarku inuu aad ugu badan yahay cudurkan uuna faro ba’an ku hayo dad aad u fara badan oo aan garaneyn, wuxuuna xusay in dhibaatada ugu daran ay tahay dadka oo aan ku baraarugsaneyn khatartiisa iyo cudurka noociisa hore oo aan laheyn calaamado lagu garto, isagoo tilmaamay %50 bukaanada maalin walba u yimaada ay ka helaan cudurkan oo uu tilmaamay in sida ugu fiican ee loola tacaalo ay tahay in laga hortago, lana daweeyo inta uu bilowga yahay wuxuuna tilmaamay iney jirto xaalad haddii uu cudurkan gaaro aan waxba laga qaban karin, wuxuuna dhaqtarku ka jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen ka soo qeyb galayaasha munaasabadan.

Wasiirkii hore ee wasaarada adeega bulshada dowlada Somalia Drs. Maryam Qaasim oo munaasabadaas ka hadashay ayaa sheegtay in indhaha ay yihiin xubnaha ugu muhiimsan aadanaha, ayna si weyn uga naxday sida aamusan ee cudurkan uu arraga u baab’iyo iyadoo soo jeedisay in la sameeyo wacyi gelin balaaran.

Guddoomiyaha gudiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo isna Xafladda ka hadlay ayaa sheegay in haddii ay yihiin dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajibka ugu badan  ka saaran yahay sidii ay bulshadooda uga wacyi gelin lahaayeen qatarta uu leeyahay cudurka Glaucoma iyo cudurada la midka ah.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Somalia Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo ka hadlay gebagabadii munaasabadan ayaa sheegay in cudurkan khatartiisa aysan ku baraarugsaneyn shacabka Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in wasaarada caafimaadka oo kaashaneysa dhaqaatiirta iyo qeybaha bulshada ay saameeyaan wacyi badan.

“Runtii warbixinta Dr.Dalmar iyo sida uu uga faaqiday halista cudurka ku dhaca indhaha dareen murugo leh bey i gelisay, wasaarada caafimaadkana iyadoo kaashaneyda qeybaha bulshada waxay ku dedaali doontaa sidii cudurkan iyo kuwa la mid ah aan shacabkeena uga digi laheyn” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Waxaa xuska ka hadlay hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir. Dr. Maxamed Maxamuud Biday, Dr. Maxamed Maxamuud Fujje oo ka Tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo xubno kale oo halkaas ka soo jeediyey fikrado iyo talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan sidii bulshada looga digi lahaa halista cudurkan Glaucoma.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya