4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2016
Maalinta Haweenka ee Caalamiga ah oo Loo Dabbaal Dagayo Maanta

Talaado, Maarso 08, 2016 (HOL)-Sanad walba maanta oo kale waxaa caalamka oo dhan looga dabbaal dagaa maalinta haweenka adduunka.

Waa waqti dib loo xasuustoo oo la xuso horumarkii laga gaaray horumarinta arimaha dumarka, in isbaddal in lasameeyo dheeraad ah lagu dhawaaqo isla markaana loo dabbaal dago hanka iyo go'aan adayga dumarka caadiga ah ee ciyaara dawr geyru caadi ah oo muhiim ah taariikhdana ka galaya baal dahabi ah.

Mawduuca Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadkaan 2016 ayaa ah 'Caalam Ragga iyo Dumarku Wax Ukala Qeybsadaan 50-50'. Dardar Gali Sinnaanta Jinsiga.

Fikirka ka dambeeya mawduuca ayaa ah in la tixgaliyo in la dadajiyo ajendaha 2030ka ee kuwajahan Yoolasha Horumar Lasii Wadi Karo, gaar ahaana yoolka 5aad oo ah in lagu guuleysto sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta dumarka iyo dhammaan gabdhaha.

Maanta oo loo dabbaal dagayo maalinta haweenka ayaa dumarka Soomaaliyeed ay kujiraan dhibaatooyin fara badan sida kufsi iyo gudniinka fircooniga ah oo caafimaadkooda dhibaato weyn u geysta.

Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online,
Magaalada Nairobi, Kenya.