4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Ciidanka Badda Australia oo sheegay in Gacanta ay ku dhigeen Doon Hub u wadday Soomaaliya


Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Ciidamada badda waddanka Australia ayaa shaaciyay in ay Qabteen hub badan oo saarnaa Doon kuwa Kalluumeysi oo aan Calan-wadan, taasoo ku socotay Somalia, iyagoo xusay in doontan ay ku qabteen meel ku dhaw xeebaha Waddanka Cumaan.

Warbixin ay maanta soo saareen ciidamada badda Australia ayaa lagu sheegay in markabka ciidamada badda ee Australia ee qaybta ka ah ciidanka Caalamiga ah ee ka Hawl-gala Bad-weynta Hindiya ay gacanta ku dhigeen hubkaas.

Sidoo kale, Warbixinta Ciidamada Badda dalka Australia ayaa sheegay xusay in hubkan uu isugu jiray 2,000 oo qori oo AK-47 ah iyo 100 bambooyin ah, 49 qoryaha daba-miishaarka loo yaqaanno ah iyo rasaas ay ku jiraan Hoobiyeyaal.

“Hubkaan waxaa Qabashadiisa loo cuskaday cunno-qabateynta hubka ee Somalia ay horay u Saartay Qaramada Midoobay, kaasoo diidaya in Somalia uu galo Hub aan Sharci ahayn,” ayaa lagu yiri Warbixinta Ciidamada Badda Australia.

Qaramada Midoobay, ayaa Somalia horay ugu soo rogtay cunno-qabteyn dhanka hubka ah, waxaase xoogaa Somalia laga qafiifiyay cunno-qabteyntaas sannadkii 2013-kii, markaasoo loo ogolaaday DF in hubka yar-yar ay kasoo iibsan karto caalamka.

Ugu dabmeyntii, Warbixinta ciidamada Badda dalka Australia ayaan lagu sheegin cidda uu hubkani u socday, kaasoo la sheegay in lagu qariyay shabaakadaha ay doontan kalluumeysi u isticmaalaysay inay ku kalluumeysato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya