4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
DAAWO: Kulan Lacag loogu Ururiyay Waddada Hargeysa iyo Salaxley oo lagu Qabtay Minnesota

Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Waxaa Xalay Magaalada Minneapolis Xarunta Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka lagu qabtay kulan Dhaqaale loogu ururinayay Mashruuca dhismaha waddada isku-xirta Hargaysa, Salaxlay illaa Ina Guuxaa. Waxaana ka qayb-galay Qaybaha kala duwan ee Bulshada kasoo jeeda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dadkii goobta ku sugnaa ka mid ahaa; wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim San-yare.

Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Sheekh Cumar C/raxmaan, Waxaanu madasha ka jeediyay wacdi iyo hadallo ku saabsan faa’iidada ay leedahay in wax lagu darsado Wax-yaabaha Danta Guuda ah sida; Waddooyinka, Waxaanu Sheekhu soo Qaatay Axaadiis iyo Aayado Qur’aanka Kariimka ah oo ka hadlaya faa’iidooyinka ay leedahay Sadaqada iyo is-kaashiga ummadda.

Dadkii kulanka isugu yimid ayaa waxay ugu deeqeen Mashruuca waddadan lacag gaaraysa $72,000 [Todobaatan iyo Laba Kun oo Doollar]. Waxaana sidoo kale ka hadlay goobta Sh. Sacad Muuse oo ka mid ah Culummada Gobolka Minnesota, isagoo dadka kala hadlay inay isagu yimadaan kulammada noocaan oo kale ah, taasoo faa’iido u leh dalka iyo dadka.

Sidoo kale, Ibraahim Guuleed oo ah xubin ka tirsan ah Guddid Qaban-qaabada, ayaa isna u Mahad-celiyey dadkii kulankaan kasoo Qayb-galay Warbaxinna ka siiyay Bulshadii goobta isugu timid sida ay reer Minnesota u wadaan taageerida ay ku saacidayaan waddadan, ayna sii wadi doonaan hawsha inta waddadan ay ka soo id-laanayso.

DAAWO: Xafladdii dhaqaalaha loogu ururinayay Waddada Hargeysa iyo Salaxleey;

Intaas kaddib, Waxaa Dadkii Kulanka ku sugnaa la Hadlay, Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga Mashruuca wadada cad, Cali Ibraahin Muxumed. Salaan iyo Mahad-naq kaddib Guddoomiye Cali Sanyare, wuxuuna si farshaxannimo ay ku dheehan tahay uu u soo bandhigay taariikhda waddada, halkii laga billaabay, kharashkii ku baxay, halka ay maanta marayso, halka Higsigu yahay iyo waxa ku baxaya.

Guddoomiyaha ayaa Qodob-qodob u dul-is-taagay Faa’iidada ay Waddooyinku u leeyihiin dalka, gaar ahaan faa’iidada ay waddadani u leedahay Deegaannada ay dhex-marto, isagoo xusay in wadada qaybtii ugu shaqada badnayd, uguna kharashka badnayd ay hadhay, loona baahan yahay in si weyn looga Wada qayb-qaato, si weynna Jeebkana Gacanta loo Galiyo, waxaanu ka codsaday bulshada reer Minnesota inay iyaguna ka qayb-qaataan mashruucaan.

Ugu dambeyntii, Kulankii dhaqaalaha loogu Ururinayay dhaqaalaha waddada isku Xiraysa Magaalada Hargaysa, Salaxley illaa Ina Guxaa oo loogu magac-daray Waddada Cad waxay kusoo dhammaatay jawi farxadeed.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota