4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Muddo kordhin loo sameeyay Madaxda Dalladda Dhallinyarada Puntland ee PYAN (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Dalladda Ururrada dhallinyarada Puntland, ayaa muddo labo sano ah u kordhiyay Aways Axmed Sar-dheeye iyo Farxan Axmed Nuur oo lix bilood si KMG ah Dallada PYAN u soo maamulayay.

Guddoomiyeyaasha Dalladaha Gobollada Puntland oo laba maalmood uu kulan uga socday Magaalada Garoowe ayaa sheegay in muddo Kordhintaan ay Xojinayso Dar-dargalinta Iyo dhiirri-galinta dhallinyarada Puntland.

Sidoo kale, Muddo Kordhintaan Cusub ayaa lagu Go’aamiyay shirkii maalmaha ka socday Garoowe, iyadoo guddoomiyayaasha dalladaha dhallinyarada Puntland ee Sagaalka gobol, kuwaasoo go'aansaday in waqti la siiyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, si ay hawlo kale oo wanaagsan u qabtaan.

Jaamac Xasan Ceyriin iyo Jacfar Yuusuf C/lle oo kala ah madaxda dhallinyarada goballada Mudug iyo Bari ayaa sheegay in waqti kordhintan ay Mas'uuliyiinta Dalladda PYAN ay ku muteysteen shaqooyinkii ay qabteen lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Puntland ee PYAN, Aweys Axmed Sardheeye ayaa isna dhalinyarada iyo mas’uuliyiintooda goballada uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyan iyo waqti kordhinta ay u sameeyeen.

Agaasimaha Waaxda Wasaaradda Dhallinyarada ee Puntland, ayaa Sheegtay in Madaxda dalladu si fiican ula shaqeeyan wasaaradda, ayna ku faraxsan yihiin in loo sameeyo muddo kordhin cusub.

Ugu dambeyn, Dalladda Dhallinyarada Puntland ayaa ka mid ah Dalladaha Puntland ugu shaqada badan xilligaan, waxaana hoggaamiyeyaasha waqtiga loo kordhiyay ay xilka sii hayn-doona illaa sannadka 2018-ka.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya