4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Maanta Wadajir u Qaadacay Shirka Jowhar (SAWIRRO)

gallery


Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Kaddib shir ballaaran oo magaalada Beledweyne ay ku yeesheen manta  duubabka dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan, ayeey si Wadajir ah u wada Qaaddacay ka qayb-galka shirka degmada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay inay habka Dowladda Federaalka Somalia u maamushay shirka Jowhar uusan aheyn mid sax, wuxuuna si weyn ugu dhaliilay xukuumadda in ay u isticmaasha shirka siyaasado kale oo ka baxsan habkii ay ka filayeen bulshada labada gobol dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Kulanka maanta, waxaan rabnaa annagoo ah duubabkii dhaqanka beellaha dega labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in aan ku soo gudbino go’aankii ka soo baxay kulan gaar ah oo aan yeelannay, shirka Jowhar marka aan fiirinay waxaan u aragnay mid salka ku haya siyaasado maldahan oo aan ku dhisneyn rabitaanka bulshada ku nool labada gobol, hadda Waxaanu maqleynaa Shirkii ayaa dib u furmaya, dad ayaa laga qaadayaa gobolka, Annagoo duubabkii dhaqanka ah ka warqabno Arrintaan, taasi waxay kuu caddeyneysaa in waxa meesha socda oo dhan aysan sax ahayn, sidaa daraadeed, waxaan isla garannay inaan caddeynno mowqifkeenna Shirka Jowhar oo ah inaan Qaaddacnay ka Qayb-galkiisa," ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo isagana ka hadlay Kulanka, ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed heysata tahay cadaallad-darro, isagoo u soo qaatay tusaale dastuurka Soomaaliya oo sidda uu hadalka u dhigay laga soo bilaabo bur burkii dowladda dhexe ee dalka qabyo ku jirra, isaga oo is-weydiiyay su’aal aheyd goorta uu qabyada ka baxayo dastuurka.

“Somalia waxaa halkan soo gaarsiiyay waa cadaalad -darro, tusaale ayaan rabaa in aan idin siiyo, Shirka Magaalada Jowhar ee la leeyahay maamul ayaa lagu Sameynayaa Beelo dhan oo Soomaaliyeed ayaa laga tagay, kuwo kale waxay leeyihiin Tirada nala siiyay waa nagu yar tahay, Qaar kale ayaa leh dheeraad ayaan rabnaa, waxaasoo dhan markaad eegto waxaa asal u ah Caddaalad-darro, waxaana sabab u ah oo ka dambeeya kuwa Mas’uuliyada Dalka sheeganaya’’ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Mar uu soo hadal qaaday shirka Jowhar iyo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Sh. Dhexe ayuu sheegay in marar badan oo hore ay ka hadleen, laakiinse dad fara badani ay is-weydiinayaan talaabada xigta ee la qaadayo isagaoo yiri. "Shirka Jowhar Mowqifka aan ka qabno waa cad yahay, balse dadka waxaa maskaxdooda ka guuxaya su’aasha ah tallaabada xigta ee la qaadayo maxay noqonaysaa, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u sheegi doonnaa tallaabada xigta, balse ma rabno aan hadda ka hor dhacno, Maxaa yeellay wali Wada–tashi ayaa socda dhawaanna waxaan shaacin doonaa halka loo dhaqaaqayo iyo tallaabada kale ee la qaadayo.’’

Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed ayaa sheegay daruufta iyo wacyiga dalka ka jira sababtay in duubabkii dhaqanka ka hadlaan arrimaha siyaasadda, halkii loo baahnaa in ay noqdaan meeshii ugu danbeysa ee tallaada loogu laaban lahaa, waxaana uu intaa ku darray in uu la qabo go’aanka dhismaha maamulka labada gobol iyo shirka Jowhar duubabka dhaqan kale ee ballaha halkan [Beledweyne] ku shirsan.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen ilaa saddeed (8) duub dhaqameed ayaa kala ahaa Ugaas beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, Ugaaska beesha Gaaljecel, Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi, Ugaaska beesha Baajimaal, Ugaas C/xakiin Ugaas Max’ed, Ugaaska beesha Makane Ugaas Cali Ugaas Xassan, Wabarka beesha Jajeele, Wabar Geedi Wabar Xassan, Ugaaska beesha Saddex-Cumar Ugaas Cali Ugaas Muxumed, Ugaaska beesha Jidle Ugaas C/naasir Ugaas Nuur, iyo Wabarka beesha Baadicadde Wabar Maxamed Wabar Axmed.

Dhamaan Ugaasyadan oo ka hadlay kulanka, ayaa si wadda jir ah u sheegay in ay ka soo horjeedaan islamarkaana qaadaceen qorshaha dhismaha maamulka labada gobol oo sidda ay hadalka u dhigeen loo maamulay hab ka baxsan cadaallada loona adeegsaday siyaasado maldahan oo ka durugsan rabitaanka bulshada labada gobol.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, haween iyo inta badan qeybaha bulshada gobolka oo si gaar ah ugu dhag-taagayay wax ka ogaashaha go’aanka duubabka dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan ee shirka Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya