4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Doland Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Tababaraha Kooxda Arsenal ee Arsene Wanger


Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Donald Trump oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya Xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka, ayaa weerar afka ah ku qaaday Tababbaraha Kooxda Arsenal, Arsene Wanger oo u dhashay Faransiiska.

Trump ayaa ku eedeeyay Tababare Arsene Wenger inuu bah-dilay kooxda The Gunners oo loo yaqaanno Arsenal. Wuxuuna sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha ugu waaweyn kooxdan Britain ka dhisan, isagoo sheegay in haddii Wanger uu isaga tago kooxdaas inuu bixin doono mushaarka Tababaraha cusub ee Arsenal muddo 50-sannadood ah.

Sidoo kale, Trump oo ganacsade ah, isla markaana ah dadka hadalladoodu adag yihiin ayaa markan ayaa sheegay inuu tababare Wanger ula dhaqmayo kooxda sidii hanti uu isagu iska leeyahay.

“Anigu Waxaan ahay Taageeraha Koowaad ee Arsenal, Waxaanan ahay Taageero dhab ah. Waxaan filayaa in kooxaha yar-yari ay Kooxda aan taageero bahdilaad ku sameeyaan, taas oo uu mas’uul ka yahay Tababare Wanger. Sidoo kale wuxuu Tababbare Wanger kooxda u maamulaa sidii hanti uu isagu leeyahay, Wuxuuna sameeyaa wax kasta oo Farxad-gelinaya isaga,” ayuu Trump hadalkiisa ku sheegay.

Trump ayaa mar kale yiri. “Sidee ayay Kooxda Man United nooga badisay? Haddii aysan taas ku filnayn, Kooxda Swansea City ayaa halis weyn na-gelisay; Waanu samayn inaan ka badinno, Laakiinse waxaa jiray khalad dhanka Tababbaraha ah oo ay Ciyaartodu uga badin waayeen kooxdan yar.

Murashax Donald Trump oo aan waxba ula hadhin Tababare Wenger ayaa yidhi. “Haddii uu Wenger hoggaamin lahaa caruurta Yuhuudda oo loogu yaboohi lahaa ama la siin lahaa dhul; waxay ku qaadan lahaayeen 40 sannadood, iyagoo aan waxba qabsan.”

Ugu dambeyn, Trump ayaa horay Weerar noocan oo kale ah ugu Qaaday; Man Uniter iyo Chelsea oo Labaduba ka dhisan Dalka Britain, Waxaana Murashxaan looga bartay inuu si adag u weeraro cidda uu u arko inaysan ficilladoodu aad u qancin isaga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya