4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Madaxweynaha oo Baarlamaanka ugu baaqay in ay Adkeeyaan Midnimada iyo Dowlad-wanaagga


Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa kula Dar-daarmey Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay Adkeeyaan midnimada.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay Xaflad Casho-sharaf ahayd oo lagu maamuusayay Xiritaanka Kal-fadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xalay lagu qabtey Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Tilmaamey in Baarlamaanka Federaalka uu guulo waaweyn ku tallaabsaday, Taasna ay ugu wacan tahay Doodaha Dhaxal-galka ah ee Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ay is-weydaarsanayeen, kuwaasoo dhammaantood Ujeedkoodu ahaa in wax lagu saxo, laguna dhiso Dowladnimo Soomaaliyeed oo hufan.

“Baarlamaanka Federaalka Somalia waxaan ugu hambalyeynayaa hawsha wanaagsan ee ay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan. Horumarka lagu Tallaabsadayna - Waa mid muuqda oo weliba aan muddo kooban ku gaarnay. Muddo saddex sano iyo bar ah oo uu baarlamaanku jirayna; wuxuu qabtay hawlo badan oo muhiim ah. Sideedaba wadan marka uu kasoo baxo nidaamka KMG ah, waxay ku qaadataa illaa 20-sano in dib u soo kabasho buuxda la gaaro, laakiinse xawliga aan ku soconno wuxuu muujinayaa inaan muddo intaa ka gaaban aan dib u soo kabasho buuxda ku gaari karno,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in Hay’adaha Dowliga ee Somalia ay Horumar Wanaagsan Sameeyeen, isla markaana Hay’ado Caalami ah ay Taasi ka Marag-kaceen. Wuxuuna sheegay in weli Caqabado Ammaan ay jiraan, Laakiinse dhibaatada ugu weyn ay tahay sidii loo bedeli lahaa fikirka khaldan ee Caalamku ka haysto Soomaaliya.

“Amniga waxaan uga guul-gaari karnaa innagoo si wadajir ah u wajahna hawsha, waxaana loo baahan yahay tallaabooyin adagna qaadna. Waxaa iyana jirta dhibaato aan is leeyahay taas way ka weyn tahay oo ah fikirka nalaga qabo oo ah inaan nahay wadan burburay weli dib u dhac sameynaya. Sidii taas loo beddeli lahaa waxay u taalla Somali oo dhan. Dhanka kalena waxaan idin kugu bishaareynayaa in dhawaan kulankii Ururka Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, warbixin laga hor-akhriyey lagu xusay in Soomaaliya ay tahay meesha keliya ee horumar la taaban karo uu ka jiro qaaradda, marka loo eego waddamada kale ee Afrika ee xasaradaha ay ka jiraan,’’  ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray. “Dowlad hufan inaan dhisano waxaa sal u ah inaan oggolaano ku dhaqanka nidaamka sharciga iyo habraaca dowladnimo. Waa in uu jiraa xisaabtan dhameystiran oo lagula xisaabtamo madaxda, xildhibaanada iyo dhammaan Hawl-wadeennada ummaddeenana u adeegeysa. Haddaan sida sameyno inagoo gacmaha is haysana, waxaa hubaal ah inaan hormar dhinac kasta gaari doono, shacabkana aan si wanaagsan ugu adeegi doonno.’’

Ugu dambeyntii, Munaasabadda waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Bogaadiyay Hawlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qabtay intii uu jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya