4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
SAWIRRO: Waxgarad iyo Siyaasiyiin kulan ay ku yeeshay Muqdisho kasoo saaray dhawr Qodob

Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Kulanka shalay ka dhacay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho oo ay ka qayb-galeen Waxgarad, Siyaasiyiin Oday-dhaqameed, Haweenka & dhallinyarada mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray bayaan muhiim ah.

Isku-imaatinkan ayaa lagu sheegay inuu Ujeedkiisu ahaa sidii loo mideyn lahaa Siyaasada Beeshaan oo degta Muqdisho iyo Ceelbuur, Galguduud, Waxaana kulankan lagu beeniyiay go’aanno horay u soo baxay.

Sidoo kale, shirka ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxay sheegeen inuusan jirin Gole guurti oo dhawaan ay ku dhawaaqeen xubno beesha ka mid ah; waxayna ugu baaqeen madaxda Dowladda Somalia iyo ciddii kale ee ay khuseyso inaysan ku kadsoomin guddigan been-abuurka ah.

Qodobbadii kasoo baxay kulankan ayaa waxaa saxaafada u akhriyay, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaah-weyn) oo wasiir hore ah, Waxaana kulankan soo gaba-gabeeyay Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka beelaha Muqdisho ku nool.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka iyo dhowrkii qodob ee laga soo saaray, kaasoo uu sheegay in looga hadlayay masiirka beesha Karinle iyo sida ugu fiican ee lagu agaasimayo.

Dhanka kale, Guddoomiye Xaad ayaa ugu baaqay cid kasta oo xil-doon ah ama Talada aan looga maarmin inay kasoo qayb-gasho kulan kale oo lagu qaban doono Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Shirkaan ayaan lagu soo hadal-qaadin cid gaar ah iyo sidoo kale xil loo magacaabay, Waxaana shirku ahaa Gogol-xaarka shir lagu wado in dhawaan lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya