4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2016
Maamulka Degmada Qoryooley oo Sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab


Isniin, Maarso 07, 2016 (HOL) — Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka Tirsan Al-shabaab, kaasoo ay sheegeen inuu dhibaatooyin ku hayay shacabka degmadaas ku nool.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Qoryooley, Axmed Gaaboow Buulle oo la hadlayay qaybaha Warbaahinta ayaa sheegay in sarkaalkaan lagu qabtay hawl-gal ay Ciidamada Booliisku ka sameeyeen gudaha iyo daafaha degmadaas.

“Hawl-galkeenu wuxuu ahaa mid aan ku raadinaynay sarkaalkan, ugu dambeyn guul ayaan ka Gaarnay Hawl-galka, gacanta ayaanan kusoo dhignay Sarkaalkii aan Baadi-goobaynay haynay,” ayuu yiri Gaabow.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in sarkaalka ay qabteen lagu magacaabo, Maxamed Ciise Geelle, isagoo intaas ku daray in sarkaalkan oo madax uga ahaa Al-shabaab, deegaanno ay ka mid tahay Jannaale uu u sheegay inuu kasoo goostay Al-shabaab uuna doonayay oo uu dowladda kusoo biro.

“Markii aan gacanta ku dhignay Sarkaalka Al-shabaab ka tirsan oo amiir ka ahaa tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu inoo sheegay in uu doonayay inuu dowladda kusoo biiro, uuna kasoo goostay Al-shabaab, balse warkaas kama rumeysan oo waxaan u aragnay mid uu ku doonayo inuu nooga baxsado,” ayuu Taliyaha.

Ugu dambeyn, Qabashada Sarkaalkan la sheegay inuu ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dhawaanahan ay hawl-gallo ka wadeen degmada Qoryooley iyo deegaannada ku dhow ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya