4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
SAWIRRO: Dadka ku nool deegaanada ka baxsan Beledweyne oo Biyo Nadiif ah la Gaarsiiyay

Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Iyadoo aad moodo inay sii Adkaaneyso Xaaladaha Biyo la'aaneed ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw, ayaa dhinaca kale waxaa soo ifbaxaya marxalad adag oo ay wajahayaan dadka iyo duuniyada ku dhaqan deegaannada ka durugsan magaalada, kuwaasoo la oran karo hadda baahida ugu weyn oo ay qabaa waa inay helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Dadkan oo markii hore ku tiirsanaa iyaga oo xoolaha ay dhaqdaan wabiga Shabeella, ayaa hadda u muuqda kuwo meel-maran ku soo dhacay, kaddib markii ay ku adkaatay cabista biyaha wabiga, ceelashii yaraa oo ay isticmaali jireenna noqdeen kuwo  aan wax biyo ah laheyn.

Hadaba, NGO-ga Dhugad oo maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa gaarsiinta biyo nadiif ah shacabka u baahan, ayaa hadda billaabay inuu biyo gaarsiiyo Deegaannada ka Durugsan Magaalada, iyagoo dhinaca kalana Howl-wadeegaannada NGO-gu kormeereen mid ka mid ah ceelasha ay biyaha ka cabi jireen dadka & duuniyada oo u baahan in dib loogu sameeyo dayactir.

Madaxa NOG-ga, C/qaadir Faarax Aadan Jabiye, ayaa HOL u sheegay in dadku u baahan yihiin gurmad ballaaran, madaama lagu jirro xili adag oo jawigguna aad u kulul yahay, isaga oo intaa ku darray in arrinta ku saabsan biyo la'aanta jirrta lagu baraarugsaneyn.

''Xadiga biyo la'aanta iyo baahida ay dadka u qabaa in ay hellaan biyo ay cabaan ma ahan mid la Qiyaasi karo, Sidaas daraadeed, Waxaan ugu baaqayaan hay'adaha samafalka in ay arrintan gacan ka geystaan,'' ayuu yiri C/qaadir Jabiye.

Dhinaca kale, Warbaahinta ayuu ugu baaqay inay baahiyaan Warbixinnada Arrintaan ku saabsan si loogu baraarugo, islamarkaana la hello bulsho u taagan caawinta dadka kale u baahan in la gargaaro.

“Warbaahinta door ayeey qaadan kartaa, waa in arrintan la soo bandhigo, waayo ma jirro baraarug ku saabsan xaalada adag oo ay dadkan wajahayaan, haddii ay warbaahintu gacan ka geysato qeyllo dhaanta baahida loo qabo biyaha, waxaa dhici karta in ay arrintan u istaagaan dad badan oo laga yaabo in aysan ka war qabin dhibaatada dadkan heysta'' ayuu yiri madaxa NOG-ga Dhugad.

Dadka ayaad arkeysaa iyagoo kusoo ururaya hadba halka ay istaagto Booyada biyaha sida, iyadoo qof walba uu horay gacanta ugu soo qabsanayo agab kasta oo uu biyaha ku keydsan karro.

Sidoo kale, Hawl-wadeennada ayaa u Sameynayay dadka Wacyi-galin la xiriirta Habka is-ticmaalka biyaha, iyagoo ku booriyay in biyahan nadiifta u isticmaalaan oo kaliya cabitaan, iyaga oo biyaha kale ee wabiga u adeegsanaya wixii intaa ka soo hara, taasoo ka dhigan in ay maalmo sii isticmaali karaan biyaha nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha Samafalka, ayaan wax Gacan ah ka geysan Gurmadkaan Biyo-dhaaminta ah, marka laga Reebo Maamulka Heer Degmo oo dadka uga digay cabaan biyaha wabiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya