4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
Shacabka Benin oo Madaxweyne soo Dooranaya iyadoo ay tartamayaan 33 murashax (SAWIRRO)

Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Waddanka Benin oo ka mid ah Waddamada Galbeedka Afrika ku yaalla ayaa waxaa maanta ka billaabatay Cod-bixinta guud ee shacabka Dalkaas ay kusoo dooranayaan Madaxweyne Cusub, iyadoo Xilka madaxweynaha ee dalkaas ay ku tartamayaan 33-murashax.

Madaxweynaha Benin Thomas Boni Yayi ayaa is-casilay, kaddib markii uu laba xilli oo is-xiga uu Xilka Hoggaanka Dalkaas hayay, waxaana shacabka guud ee dalkaas lagu sheegay 10.6-milyan oo qof.

Ra’iisul Wasaaraha Benin, Lionel Zinsou ayaa ka mid ah murashaxiinta u Tartamaya xilka, isagoo ka socda xisbiga talada dalkaas haya, Waxaana la sheegay inuu ka mid yahay dadka hoggaaminaya maal-gashiga bankiyada Faransiiska.

Doorashadan ayaa dib u dhacday, kaddib markii dhibaato lagala kulmay Qaybinta kaararka cod-bixinta, iyadoo Codkooda ay bixinayaan Malaayiin ruux oo shacab ah ayaa lagu wadaa inay socon maanta oo dhan.

Zinsou oo haysta Dhalashada Faransiiska,ayaa loo Tix-geliyaa sidii Murashax Faransiis ah, sida lagu sheegay Warbixin uu baahiyay Raadiyaha RFI ee laga leeyahay Faransiiska.

Benin oo Xorriyadda ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska sannadkii 1960-kii, ayaa waxay Murashaxiinta jagada Madaxweynaha u Tartamaya waxay Ballan-qaadeen inay Horumarin doonaan dhaqaalaha, shaqooyin Abuurayaan iyo inay la Dagaallamayaan Musuq-maasuqa.

Murashaxiinta kale ee ugu cad-cad doorashada Benin ayaa waxaa la sheegayaa inay ka mid yihiin; Ganacsatada Caanaka ah sida; Sebastien Avajon iyo Patrice Talon, Dhaqaale-yahan, Abdoulaye Bio Tchane iyo Maal-gashade Pascal Irenee Koupaki.

Inkastoo, Dastuurka Benin uu dhigayo in madaxweynaha Xilka banneynaya, Boni Yayi uu mar Saddexaad xilka u tartami karo, ayaa haddana wuxuu isagu sheegay inuu Go’aansaday inuusan doorashada ka qayb-gelin si xilka uu u qabto mas’uul cusub.

Ugu dambeyn, Taallaabada uu qaatay Madaxweynaha Benin, ayaa waxay imaanaysaa xilli madaxweynayaasha dalal ka tirsan Afrika, sida Burundi, Congo-Brazzaville iyo Rwanda ay wax ka bedeleen dastuurradooda si ay mar Saddexaad Hoggaanka dalkooda ugu tartamaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya