4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
DAAWO: Kulan looga Hadlay Doorka Haweenka ee Horumarinta Dalka oo Gaalkacyo lagu Qabtay

Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Kulan looga hadlayay Doorka ay Haweenka ku leeyihiin Horumarinta Wadanka, ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo ay ka Qayb-galeen Haweenka Gobolka Mudug ku nool.

Waxaa kulanka ka qayb-gashay wasiir ku-xigeen Haweenka & Arrimaha Qoyska Puntland, Farxiyo Yuusuf Xirsi, iyadoo intii shirku socday lagu dhiirri-gelinayay Gabdhaha Aqoonta leh ee Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataaan Horumarinta dalkooda.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Mudug, Dhurdi Aw-Yuusuf iyo Isku-duwaha Wasaaradaha Haweenka Puntland ee Gobalka Mudug, Deeqo Warsame oo labadaba ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay doorka Haweenka, waxayna tilmaameen inay muhiim tahay in la sheego guulaha Haweenka Soomaaliyeed ay gaareen.

DAAWO: Kulankii Doorka HAWEENKA Soomaaliyeed eeHorumarinta Waddanka;
Sidoo kale Xaawo Yuusuf Gaawe oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xarunta GECPD ayaa iyana tilmaantay in Haweenku Laf-dhabar u yiihin Horumarinta Guud ee Waddankooda.

Intaa kaddib, Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland, Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa iyadana Guul ku Tilmaamtay in 25-kii Sannadood ee Colaaduhu jireen ay si weyn uga shaqeeyaan haweenka Soomaaliyeed horumarka dalka.

Ugu dambeyntii, Kulankaan lagu Dhiirri-gelinayay Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka ahaa qayb xoojinta dib u dhiska Waddanka, Maamada ay yihiin dad jecel Horumarinta dalkooda Hooyo.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya