4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
Ciidammo cusub oo booliis ah oo lagu wareejiyay Koontaroolada Baarista Gaadiidka ee Muqdisho


Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Koontaroollada Ciidammada DF Somalia ay ku baaraan gaadiidka ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidammo booliis ah, iyadoo laga qaaday ciidamadii horay ugu sugnaan jiray oo ka tirsanaa - Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Tallaabadaan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay isbedello lagu xoojinayo Amniga guud ee caasimadda Somalia ee Muqdisho, kaddib markii dhawaan ay ka dhaceen Qaraxyo Xoogan oo ay dad badan ku geeriyoodeen, kuwaasoo Mas’uuliyaddooda ay sheegatay Al-shabaab.

Isgoysyada; Lambar Afar, Shaqaalaha, Dabka, Sayidka iyo midka Guriga Hooyooyinka oo ay Dhammaantood ku yaalla Waddadada Muhiimka ah ee Maka Al-mukarama oo ay horay u joogeen Ciidammo Nabad-sugid ah ayaa Haatan lagu arkayaa ciidan Booliis ah oo Baaris adag ku sameynaya Gaadiidka.

“Baaritaanka gaadiidka aad ayaa loo adkeeyay, ma garanayno waxay baarayaan, ciidamada Hadda la keenay Koontaroollada, waa kuwo cusub oo aan horay u joogi jirin, kuwii horena waa laga bedelay, marka daah fara badan ayaan dareemaynaa maanta,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka loo yaqaan ee dadweynaha qaada.

Ciidankan cusub ee Kantoolladan la keenay ayaa waxay gaadiidka gaarka ah weydiinayaan aqoonsi, iyagoo baaris ku sameynaya Gaariga yar ee aan wadan Aqoonsiga, waxaana sidoo kale baaritaanno lagu sameeyaa dadka gaadiidkaas la socda, weli kuwa dhallinyarada ah.

Sidoo kale, Mootooyinka loo yaqaanno Bajaaj-ta oo aad xilligaan Muqdisho uga shaqeysa, ayaan Wax baaritaanno ah lagu sameyn, balse waxaa lagu khasbaa inay Safafka Gaadiidka galaan, taasoo ay ku sheegeen inay waqti badan ka lumiso.

“Runtii mootooyinka baaritaanno laguma sameeyo, balse waxay ciidamadu nagu qasbaan inaan Faylka galno, waayo markii hore fayl ma geli jirin waana iska gudbi jirnay Baarista, balse haatan cadaadis badan ayaa nalagu hayaa,” ayuu u sheegay isna warbaahinta darawal ka mid ah kuwa Mooto Bajaaj-ta oo Nuur Cali kusoo koobay magaciisa.

Ugu dambeyn, Taallooyinkan cusub ayaa Waxay imaanayaa xilli Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh uu sheegay in amniga Muqdisho ay wixii ka dambeeya hadda sugi doonaan Cidamada Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay Xogta la wadaagaan laamaha Amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya