4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
SAWIRRO: RW ku Xigeenka Somalia oo Safar ku jooga Magaalada Washington ee Maraykanka

Axad, Maarso 06, 2016 (OL) — Wafdi uu Hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka XF Soomaaliya, Maxamed Cumar Carteh oo booqasho ku jooga Magaalada Washington oo ah xarunta Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, USAID iyo hay’ado kale oo caalamiy ah.

Carte ayaa booqashadiisu la xiriirtay ka qayb-galka shir-sannadeed uu soo Qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka, isla markaana looga hadlayay arrimo ku aadan dalalka kasoo kabanaya deggenaansho la’aanta (Fragility Forum 2016).

Sidoo kale, Carte oo kulankaas ka jeediyay Warbixin ku aadan Somalia, ayaa ka Warramay is-bedellada dhinaca Siyaasadda, Amniga, dhaqaalaha, waxqabadka iyo hiigisga Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhibaatooynka horyaala ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa kaloo uu RW ku xigeenku ka qayb-galay Xaflad casho ah oo ay safaaradda Somalia ee Marakaynku u Sameysay, Taasoo ay isugu yimaadeen Danjireyaal, Dublamaasiyiin iyo hay’addo caalami ah, iyadoo lagu qabtay habeenkii Khamiista ee 03-dii Maarso, Hoteelka Caalamiga ah ee Mayflower.

RW ku xigeenka Xukuumadda Somalia ayaa sidoo kale warbixin uu ka jeediyay Xafladaas soo dhaweynta kaga hadlay waxqabadka dowladda Somalia iyo dhabaatooyinka hor-yaalla. Maxamed ayaa inta aanu ka Ambabixin Magaalada Washington la kulmi doona Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Washington iyo Agagaarkeeda deggan.

Ugu dambeyntii, Carte oo lagu wado in uu Safar ku tago Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay, halkaasoo uu kulamo kula yeelan doonno madax ka tirsan Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya