4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
MAXAMED SICIID ATAM: Waan Aamin-sanahay Jihaadka Laakiin Midka Al-shabaab ma ahan Sax


Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Hoggaamiyihii Xoogagga Buuraha Galgala ee Dagaalka kula jira Puntland, Shiikh Maxamed Siciid Atam ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Al-shabaab iyo sababihii ku kalifay inuu kasoo baxo oo uu heshiis la galo Dowladda Somalia.

Atam oo isi soo dhiibay Bishii June, 2014-kii ayaa wareysi uu siiyay Universal TV wuxuu ku sheegay inaysan waxba ka bedelin noloshiisa kasoo bixitaankii uu kasoo baxay kooxda Al-shabaab, isagoo intaas ku daray in aysan hadda jirin wax fikir ah oo kala dhexeeya Al-shabaab.

“Intaan Al-shabaab ka mid ahaa culeysyo badan ayaa i haystay, haddii ay ahaan lahayd mid dibadda ah oo ragga aan isla joognay oo aan hal god kuwada jirnay iyo culeys gudaha iga haystay. Nin cadow ku dhex jira ayaan xilligaas ahaa,” ayuu yiri Ata moo intaas ku daray. “Heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa mid aan nabadgelyada ku qaadanayay, fikirkeyguna wuxuu ahaa inaan Adduunka oo dhan la qaato nabad.”

Sidoo kale, Maxamed Atam ayaa wuxuu sheegay inuu Aaminsan yahay jihaadka, laakiinse isaga iyo Al-shabaab uu farqi weyn u dhaxeeyo xilligaan, wuxuuna yiri. “Weli waxaan ahay qof aaminsan jihaadka una aaminsan sida salaadda oo kale, waayo wuxuu leeyahay shuruudo; kuwaasoo kala ah; yaa dagaalamaya, yaa lala dagaalamayaa, yaa loo dagaalamayaa iyo waqtigee la dagaalamayaa.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Qofkii jihaadka beeniya wuxuu la mid yahay qof Salaadda beeniyay, Al-shabaab waa khilaafeen jihaadka Nabi Muxumaed [CSW], waayo Nebigeennu wuxuu xaaraantinimeeyay in qof muslim ah la dilo, aniguna waxaan fikir ahaan ku qancay in jihaadka Al-shabaab uusan ahayn midkii saxda ahaa.”

Maxamed Siciid Atam oo la weydiiyay in Dowladda Federaalka Somalia ay Cafis u fidisay hoggaamiyeyaasha Al-shabaab oo keliya, dhallinyarada ay xukunto; ayuu ku jawaabay. “Aniga ruux dambiile meel laga soo qabtay ma ahayn, heshiis baan ku imid, waana ku qanacsanahay, waliba muddo ayaa raadinayay heshiiskas sidii uu ku suuro-geli lahaa. Marka Qof walba oo heshiis ku yimaada; ha yaraado ama ha weynaadee waa in ballantiisa loo fuliyaa, markii uu qaato nabad-galyo, Aniga tashaday waxaa rajeyneynaa inay ahayd in Towfiiq Alle i haleeshiiyay.”

Waxaa kaloo la weydiiyay in isaga iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys uu xiriir ka dhexeeyo iyo in kale, wuxuuna ku jawaabay inaysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya, markii hore ee ay Al-shabaab kawada tirsanaayeenna aysanba xiriiri jirin.

Ugu dambeyn, wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Maxamed Atam uu magan-galyo siyaasadeed ka helay dalka Qatar, uuna halkaas ku noolaan doono halkaas inta Cimrigiisa ka harsan, balse dowladda Somalia oo heshiiska horay ula gashay ayaan ka hadlin magan-galyada uu helay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya