4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2016
Max'ed Abshir Walde oo Niarobi ku Geeriyooday iyo Mas'uuliyiinta DF oo ka Hadlay Geeridiisa

Axad, Maarso 06, 2016 (HOL) — Allaha u Naxariistee, Waxaa shalay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku Geeriyooday Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ka mid ahaa suxufi, siyaasi iyo ganacsade Soomaaliyeed. Walde ayaa wuxuu sannadkii 1960-kii noqday madaxa laanta Warbaahinta Somalia ee Dowladda ama Somali Broadcasting Service, sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay idaacadda BBC-da.

Maxamed Abshir Walde ma uusan ahayn Ruug-caddaa Saxaafadeed oo qura, balse hawlo badan oo kale oo muhiim ah ayuu soo qabtay, maadaama uu ahaa Aqoon-yahan Mihnado badan bartay. Wuxuu wax kusoo bartay Jaamacadda Columbia University oo uu ka qaatay shahaadada MA.

Sidoo kale, Dhawaan ayuu Maxamed Abshir Walde, wax ka qoray Xawaaladaha. wuxuuna sidoo kale wax ka qoray burcad-badeednimada badaha Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka tacsiyeeyay maanta geerida Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf [Walde].

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa War-saxaafadeed uu xafiiskiisa soo saaray ku sheegay in Maxamed Abshir Walde uu ahaa Shakhsi Kaalin weyn kasoo qaatay Dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya, isagoo ehelladiisii iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridiisa.

“Wuxuu Marxuuku ka Dhex-muuqday Dadaalladii Dib u heshiisiinta iyo kuwii Dib loogu yagleelayay Qarannimadii Somalia, waxaana illaa intii geeridu uga imaanaysay uu ku lug lahaa hawlo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii dadka Soomaaliyeed. Waxaan kaloo uu ahaa geesi ka baxay ummadda Soomaaliyeed, una soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalku ka jiray,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

RW Sharma’arke ayaa wuxuu isaguna qoraal uu soo saaray ku yiri. “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Soomaaliya, Waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Abshir Walde iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inuu Maxamed Abshir Walde, ayaa ahaa Siyaasi ahna Ganacsade Caanka ah oo si weyn looga yaqaannay Soomaaliya o dhan.