4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2016
SAWIRRO: Jawaari oo Maanta xiray Kal-fadhigii 7-aad ee Baarlamanka iyo billad la Gudoonsiiyay

Sabti, Maarso 05, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa si rasmi ah u soo xiray maanta Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale ay gudoonsiisay billad-sharaf Caalami ah Akadeemiyada Giuseppe Pitre oo fadhigeedu yahay Talyaaniga.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka markii uu furmay, ayaa Waxaa lagu qabtay Munaasabad Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia lagu Guddoonsiiyey billaddaan oo ay u soo garteen Akadeemiyada Giuseppe Pitre.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka oo xafladda ka hadashay ayaa sheegtay inay baarlamaanka u tahay guul bilad-sharafta ay akadeemiyada xarunteedu tahay Talyaaniga guddoonsiisay Guddoomiye Jawaari, kaddib Hawl-karnimadii uu muujiyay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya ahna musharaxa billadda (Nobel Peace Price) oo ay Akadeemiyadani u soo wakiilatay billaddan, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isagana sheegay in Akadeemiyadu ay Gudoomiyaha Baarlamaanka u garatay billad-sharaftaan, markii uu muujiyey Hawl-karnimo uu wax ugu qabtay shacabkiisa iyo dalkiisa.

“Waxaa Sharaf noo ah, in Anigoo Wakiil ka ah Akadeemiyada Caalamiga ah ee Giuseppe Pitre ee fadhigeedu yahay Talyaaniga aan Guddoonsiiyo Billad-sharaftaan Guddoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, taasoo uu ku muteystay hawl-karnimadiisa iyo shaqo-wanaaggiisa,” ayuu Prof. Dufle yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in Abaal-marintan ay timid kaddib kulan Golaha Senetka Akadeemiyada Giuseppe Pitre; isugu yimideen 28-kii November Sannadkii hore ee 2015-ka.

“Kaddib markuu goluhu arkay waxqabadka baaxada leh ee uu guddoomiyaha Baarlamanka iyo mudnaanta uu siiyey mabaadi’da nabada, horumarka Qaranka iyo walaalnimada, ayay go’aansadeen inay siiyaan Shahaado-sharaf iyo billad ay bixiso Akadeemiyada Giuseppe Pitre, waxaana shahaadada uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Akadeemiyada Giovanni Giampino” ayuu hadalkiisa raaciyay Prof. Dufle, oo xildhibaanada u akhrinayey Qoraal ka soo baxay Akadeemiyada bixisay billadaan.

Prof. Cismaan Dufle ayaa mar kale yiri. “Akadeemiyada Giuseppe Pitre, Waxay ka dhisan tahay Magaalada Palermo ee Dalka Talyaaniga, Waa akadeemiyad Caalami ah oo Xiriir la leh Hay’adaha Waa-weyn ee Caalamka; Sida midda bixisa Nopelka ee Oslo uu Fadhigeedu yahay, waxayna Giuseppe Pitre Abaal-marino siisaa shaqsiyaadka iyo ururada bulshadooda wax u qabta sida, dhaqaatiirta, siyaasiyiinta iyo dadka kale wax-galka ah.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay Akadeemiyadda Giuseppe Pitre ee Talyaaniga Garashada ay u soo garteen billad-sharaftaan, isla markaana uu ku guddoomayo magaca xildhibaanada baarlamanka Somalia ayna marqaati u tahay hawshii wanaagsanayd ee ay muujiyeen.

“Billaddaan, waxaan ku guddoomay magaca xildhibaanada baarlamanka Somalia oo gacan lama iloobaan ah igu siiyay Gudashada Waajibaadkeyga Waana mid aan ku faraxsanahay,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo xiray Kal-fadhigii Todobaad ee Baarlamanka Federaalka Somalia, khudbad uu ka jeediyey Munaasabdda, ayuu ugu baaqay Xukuumadda Somalia in 15-ka bisha Abriil ee soo socota ay Baarlamaanka ku Hor-keento Barnaamijkeeda oo Faahfaahsan.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Somalia ee hadda Shaqeynaya ayaa lasoo dhisay bishii Ogoosto ee Sannadkii 2012-kii, Wuxuu howshiisa ay ku eg-yahay Bartamaha Sanadkan 2016-ka, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeya lasoo dhisi doono Baarlamaan kale oo bedela.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya