4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2016
Ciidamo booliis ah oo ku dagaallamay degmada Laascaanood iyo xiisad dhul oo laga wadahadlay


Sabti, Maarso 05, 2016 (HOL) — Kulan Xal loogu Raadinayay xiisad salka ku haysa dhul-daaqsimeed ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaasoo dhawaan maamulka Puntland ka sameeyeen Koontarool.

Shirkaan oo ka dhacay Tuuladda Buura-wadal oo Magaalada Garoowe Waqooyiga ka xigta 30-km, ayaa waxaa ka Qayb-galay Mas'uuliyiin ka socday maamulka Puntland, Wax-garad iyo madax-dhaqameed, kuwaasoo Wadahadal muddo dheer socday la iskula gartay inaanay Dooxooyinka Waw iyo Bixin - aysan noqon karin degaan ka tirsan Garoowe.

Caaqil Maxamuud Askar Jaamac oo HOL u warramayay markii uu degmada Laascaanood kusoo laabtay ayaa xusay inay soo arkeen dhul la boobay oo aan ku ekayn dooxooyinkaas, balse ku dhowaadey degmadda Taleex.

"Wadahadal dheer kaddib waxay noo sheegeen madaxdii maamulka Puntland nooga yimid inay ka go'an tahay in la baabi’iyo kaantaroolka, waxayna naga codsadeen laba maalmood, innagoo u sheegnay inaan sugayno saddex casho,” ayuu yiri Askar.

Deegaanka Haatan lagu muransan yahay oo ay ciidamo beeleed kasoo jeeda gobolka Sool iyo Ciidan Puntland ah ay isku hor-fadhiyaan ayaa wuxuu ka dhashay murankeeda kaddib markii maamulka Puntland ay Kastamka Garoowe oo dhismaha Magaaladu dhaaftay ay geeyaan meel gudaha Gobolka Sool ku jirta 16-km, taasoo ka careysiisay dad badan oo Gobolka Sool ka soo jeeda taasoo gaarsiisay in xaalad colaadeed ay ka aloosanto.

Si kastaba ha ahaatee, Xiisada labada Dooxo ayaa aragtiyo kala duwan laga qabaa, iyadoo Kaantaroolka Garoowe xadka Gobolka Sool uu u jiro wax ka yar 3-km ayaa dadka Reer Garoowe u arkaan in koboca magaalada ee soconaya aan loo baahnayn in lagu xakameeyo xad, halka dadka deegaanadaasi ku dhow ee Reer Soolna ay qabaan in dhulka Gobolka laga maamulo Degmada uu ku yaallo ee aanay bixin karin Dowladda Hoose ee Garoowe.

Dhinaca kale, Xiisad sababtay dhaawac laba Askari oou dhexaysa Booliiska ee Gobolka Sool oo soo billaabatay Habeennimadii xalay ayaa weli ka taagan Magaalada Laascaanood.

Xiisadan oo u dhexeysay ciidammo kala taabacsan Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool iyo Saraakiil ka tirsan booliiska ayaa waxay maanta hakad gelisay Hawlaha Saldhigga Waqooyi ee Laascaanood; iyadoo dhawr jeerna Rasaas laga maqlayey saldhiga.

 

Ma jirto cid ka Hadashay falkan, iyadoo labada dhinacba ay ka Gaabsadeen inay Arrintaasi ka hadlaan.

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo dhawaan Xilka la Wareegey ayaa u kicitimay Hargeysa si uu Xal ugu raadiyo Xiisaddaan oo Maalmihii lasoo dhaafay oo Marxalado kala duwan soo maraysay.

Ugu dambeyn, lama saadaalin karo raadka ay reebi doonto talaabadda ay ciidanka boolisku kaga soo horjeesteen taliyaha qaybta iyadoo shacabka qaarkood ay sheegayaan in Taliyaha qaybtu uu aad ugu dhiiraday tallaabooyin gacan ka hadal ah, taasoo uu kula kacay saraakiil ciidanka ka mid ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool