4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2016
FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxyo Maanta ka dhacay Degmdaa Baardheere ee Gedo


Sabti, Maarso 05, 2016 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhintay, tiro ka badan 10 qof oo kale oo ay askar Itoobiyaan ahi ku jireena waxaa  kasoo gaaray dhaawacyo qaraxyo badan oo maanta ka dhacay gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dadka ku dhintay Qaraxyadii manta ayaa waxaa ku jiray Askari ka tirsanaa Ciidamada ka Socda dalka Itoobiya ee Qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Baardheere.

Qaraxyadan oo ahaa illaa Shan qarax oo waaweyn ayaa lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, kuwaasoo marayay gudaha degmada Baardheere, waxaana qaraxyada kaddib ay ciidankii Itoobiya ee qaraxyadan lagu weeraray ay fureen Rasaas fara badan oo khasaare sababtay.

“Gaadiid ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxyadaan lala beegsaday, waxaana arkay dhimashada askari Itoobiyaan ah iyo saddex qof oo kale oo rayid ah oo ay qaarkood dishay rasaas ay fureen ciidanka Itoobiya,” ayuu qof magaciisa kusoo koobay Nuur oo ka mid ah shacabka ku nool degmadaas.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baardheere Salaad Maxamed Xasan [Turuq] oo la Hadlay BBC-da ayaa sheegay in Qaraxyadan ay ahaayeen Miinooyin Waddada dhinaceeda lagu Aasay, laguna weeraray gaadiid ay wateen Ciidamada Itoobiya.

“Waxaa Qaraxyadaan Baardheere ka dhacay maanta lala beegsaday Ciidammo Itoobiyaan ah oo ka tirsan kuwa AMISOM, waxaana xaqiijin karaa dhimashada wiil yar oo shacab ah oo dugsi Qur’aan ka yimid,” ayuu yiri Salaad Turaq.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Baaritaanno la sameeyay Qaraxyada kaddib lagu soo qabqabtay 20-qof, kuwaasoo uu xusay in baaritaanno lagu sameynayo, ciddii dambi lehna lagu qaadi doono, ciddii aan dambi yeellanna lasii daynayo.

Ugu dambeyn, Qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaa ayaa waxaa lagu gubay mid ka mid ah Gaadiidkii ciidamada Itoobiya ay wateen oo la sheegayo in ay ahayd booyad ay biyaha ku dhaansadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya