4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2016
MADAXWEYNAHA: Shacabku waa inay xogaha la wadaagaan laamaha Amniga ee Dowladda FS


Sabti, Maarso 05, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Wada-shaqeynta Gobolka iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Xoojinta Amniga Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Kulankan oo ay ka Qayb-galeen Mas'uuliyiinta Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, taliyeyaasha ciidamada Gobolka, iyo Mas’uuliyiin kale ayaa madaxweynaha wuxuu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirri-gelinayo dadku inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha Amniga Dowladda, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.

“Waxaan Dagaal kula jirnaa Cadow caalami ah oo khatar ku ah Amnigenena iyo jiritaanka Soomaaliya. Al-shabaab Hadafkiisu waa in ay Xasuuqdo shacabka, taasoo ay daliil u tahay ficiladooda ay sida Arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si Wadajir ah u wajahna, dadaalkeennana meel isugu geyno,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arrin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, laakiinse ay tahay arrin horay Qaanuunka ugu xusneyd oo Hada si wanaagsan loo qeexay, isagoo xusay sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in go’aamadii dhawaan kasoo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal-gal ah oo wax ka taraya Xoojinta Amniga Magaalada Muqdisho.

“Go’aamada la gaaray, Waxaa ka mid ah in la yareeyo Gawaarida hubeysan ee Magaalada dhex-wareegaya. Waa inaan Wacyigeenna Amaanka kor u qaadno, feejignaan Dheeri ahna aan muujino. Hanjabaadaha Cadowga yaaney idin Niyad-jebin, taa beddelkeedana waxaan shacabka ugu baaqayaa inay ciidamada la shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan mar kasta oo ay arkaan wixii ay ka shakiyaan amaba wax u dhimi kara amniga Qaranka,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Wuxuu Mdaxweynuhu xusay in wiilashii ka tirsanaa Ciidamada Amaanka ee ku dhintay weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad-diidka ay la fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhaddo difaacayay shacabka iyo Qaranimada Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu madaxweynuhu sheegay in Dowladda ay muhimad gaar ah siineyso daryeelka ciidamada, dadaal kastana ay ku bixineyso in xuquuqaha iyo daryeelka ay mudan yihiin ay helaan.

“Way dhacdaa in mar-mar mushaaraadka uu kasoo daaho ciidankeenna, Haddana Waxaan mar walba xaqiijinaa in mushaaraadka ka daahay oo dhan la siiyo. Sidaad wada og-tihiin dowladdeenna dhaqaale ku filan ma haysato. Dhowaan ciidanka booliiska waxaa la siiyay mushaharaad dhawr bilood kasoo daahay. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeedna, waa la siinayaa wixii mushaarka ah ee ka baaqdey. Waxaan farayaa Wasiirrada Gaashaandhiga, Ammaanka iyo Maaliyadda inay Qalabka Warbaahinta ay bulshada Warbixin kaga siiyaan xaalada daryeelka ciidanka si meesha looga saaro Wararka la fidinayo ee ku-tiri-kuteenka ah,’’ ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ka hor waxaa halkaas hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya