4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2016
Qaraxyo Ciidanka Itoobiya ee AMISOM lagula eegtay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo


Sabti, Maarso 05, 2016 (HOL) — Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegay inay goor-dhow ka dhaceen qaraxyo, waxaana wararku sheegayaan in qaraxyadaan ay ahaayeen miinooyinka dhulka lagu aasay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyadu ay ahaayeen shan ayna ka dhaceen waddada weyn ee degmadaas dhex-marta iyadoo lala eegtay ciidamada ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegaya inay Qaraxyada kaddib dhacday rasaas xooggan oo ciidamada AMISOM iyo kooxo kale ay is-dhaafsanayeen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Qaraxyadan kaddib ayaa waxaa la jaray isgaarsiinta magaalada oo dhan, iyadoo Hawlgallo ay ka socdaan xaafadaha degmadaas, waxaana qaraxyadan ay noqonayaan kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmada.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Qaraxyadan ka dhacay degmada Baardheere iyo Khasaaraha ka dhasha waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya