4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
Xaflad Baladweyne loogu qabtay Arday Dufcaddii 2-aad ah oo ka Qalin-jabiyay Jaamacada Plasma

Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Munaasabad si weyn loo soo Agaasimay, isla markaana ay ku Qalin-jabinayeen 36 Arday oo ahaa Dufcaddii Labaad ee Faraca Jaamacadda Plasma ka baxa, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Beledwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xafladdaan, ayaa Waxaa ka Qayb-galay, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, Bahda Waxbarashada gobolka, waalidiin iyo inta badan ardayda wax ka barata Jaamacada, kuwaa oo ku faraxsanaa qalin-jabinta qaar ka mid ah ardayda ay Jaamacadda Plasma Saaxiibbada ku ahaayeen.

Madaxa Jaamacada Plasma ee Xiriirka Gobollada, Daahir Xassan Cadoow, ayaa u Mahad-celiyay maamulka guud iyo macallimiinta faraca Jaamacada Plasma oo ku guuleystay inay soo saaraan dufcadii 2-aad arday ka qalin-jabisa Jaamaacadda, isagoo intaas ku daray inay rajeynayaan in xarunta Jaamaacada ee Beledweyne ay noqoto tan ugu ballaaran marka loo eego Qaybaha kale ee Gobollada Dalka.

Abuukar Cabdulle Muumin oo ah madaxa Jaamacada faraca gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Ardayda Maanta ka Qalin-jabiyeen Kulliyadaha kala ah Caafimaadka, maamulka iyo ganacsiga.

"Waxaanu leennahay oo aan kula Dar-daarmeynaa Ardayda Maanta Qalin-jabisay in Wax-yaabaha ay barteen uga faa’iideeyaan Qaybaha kale ee bulshada, ee laga yaabo in ay fursad u helin waxbarashada,’ ’ayuu yiri Abuukar Cabdulle Muumin.

Ugu dambeyntii, Ardayda Qalin-jabisay ayaa Shahaado sharaf Guuddoonsiisay maamulaha Jaamacadda Plasma ee gobolka Hiiraan Abuukar C/lle Muumin iyagoo ku amaanay doorka uu ka qaatay horumarinta waxbarashada gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya