4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
DAAWO: Buug Cusub oo loogu Magac-daray Hiil Hooyo oo Maanta lagu soo Bandhigay Gaalkacyo


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — C/fataax Cumar Daahir (Guruu) oo Qorayaasha Somalia ka mid ah, ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kusoo Ban-dhigay Buug Cusub oo loogu magac-daray HIIL HOOYO.

Xaflada lagu soo bandhigayay Buuggaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ururada, culumada, Dhakhaatiirta, Madaxda Jaamacadaha, Macallimiinta, Arday, Oday-dhaqameedyo, Qurbo-joog iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Buuggaan Cusub ee Hiil Hooyo ayaa wuxuu uga hadlay Hal-abuurka iyo barbaarinta ubaka ee Hooyada, Darjooyinka ay Diinteenna Islaamku siisay Hooyada, Suugaanta loo Hibeeyay iyo Xaquuqda ay Bulshada ku Dhex-leeyihiin.

DAAWO: Munaasabaddii lagu soo Bandhigayay Buuggaan Cusub ee HIIL HOOYO;

Sidoo kale, C/faraax Guruu oo la weydiiyay sababta ugu weyn ee ku kalliftay inuu xilligan qoro Buuggaan, ayaa Sheegay in Waqtigan lagu jiro xilli ay bulshada intooda badani yihiin Hooyo koris.

Guruu ayaa ka mid ah - Dhalliyarada Far-ku-tiriska ah oo Wax ka Qora Arrimaha Bulshada ee muhiimadda u leh, waxaana lagu xusuustaa Buuggii uu uga hadlay Burcad-badeedda iyo is-beddelka Ummadda.

Ugu dambeyn, Buuggan Cusub ee HIIL HOOYO ee uu Qoray C/fataax Guruu ayaa Wuxuu ka mid noqonayaa buugta Sannadkan ay soo saareen dhallinyarada Soomaaliyeed Dadaalka ugu jira sidii ay Afkooda iyo Dhulkooda Hooyo u ilaashan lahaayeen.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya