4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
SAWIRRO: Shirka Pan African oo looga hadlay Amniga Afrika iyo Somalia oo la soo Gunaanaday

Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Kulanka Baarlamaanada Afrika [Pan African] oo looga dooday warbixin ay soo diyaarisay Waaxda Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Nabadgalyada iyo Amniga ayaa lagu sheegay in weerarro joogto ah ay Sannadkan kooxaha Argagixisada ah ku qaadeen Saldhigyada ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena qaraxyo lala beegsaday goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen.

Dooda oo ay ka qayb-qaateen ku dhawaad 60 Xildhibaan, ayaa wax  ka weydiiyay Waaxda Amaanka iyo Nabadgalyada ee Ururka Midowga Afrika xilliga la soo Gunaanadayo Hawl-galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo sida looga hor-tagi karo inay Hub iyo Dhaqaaleba helaan kooxaha argagixisada ah ee Afrika ka dagaallamaya.

Agaasimaha Waaxda Ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika danjire Ismail Gergui oo Warbixin u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanada Afrika ayaa wuxuu kaga Jawaabay su'aalo ay Weydiiyeen Xildhibaannada, isagoo ku billaabay Xaalada Amni ee Somalia ayaa sheegay inay illaa iyo xad ay kasoo rayneyso, isagoo intaas ku daray inay ka Shaqeynayaan sidii loo Tababari lahaa loona xoojin lahaa ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah xildhibaanada Somalia uga Qayb-galaya shirka Pan Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Xamili karin Ciidamo kale oo lagu soo kordhiyo Ciidamada hadda jooga Somalia, wuxuuna walaac ka muujiyay in ciidanka Dalalka dariska ah ka Qayb-qaataan nabad-illaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika, Roger Nkodo Dang oo shir-gudoominayay kulan ay safiirrada Qaaradda Afrika la yeesheen, ayaa sheegay inay isla soo hadal qaadeen qodobbo ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku dhaqan Waddanka Koonfur Afrika lagu hayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Sharci-siinta, dhaca Dukaamada iyo Jir-dillada iyo dilalka joogtada ah ee loo geysanayo.

Sidoo kale, Nkodo ayaa intaas ku daray in looga hadlay Arrimaha Argagixisada iyo amaan-darada Qaaradda Afrika ku baahday iyo sidii la isaga kaashan lahaa. Waxaana kulankan uu dhanka Safaaradda Somalia ee waddanka Koonfur Afrika ku metelayay sii-hayaha safiirka, ahna xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Axmed Maxamed Khayre.

Ugu danbeyn, Kulanka Baarlamaannada Afrika oo furmay horraantii Toddobaadkan laguna soo Gunaanaday Xaruntiisa Magaalada Johannesburg ayaa lagu ballamay in kulanka Abriil iyo May ee Sannadkan ay isugu imaan doonaan Xildhibaanada guud ee Pan Afrika lagu sii xoojiyo qodobadii shirkan kasoo baxay.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Hiiraan Online, Koonfur Afrika