4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
Madaafiic ay khasaare ka dhasheen oo Xalay lagu Duqeeyay Qaybo ka mid ah Degmada AFGOOYE


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay 11-qof oo rayid ah ayay dhaawacyo ka soo gaareen Hoobiyeyaal Xalay lagu duqeeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo aan la sheegin cid ku geeriyootay duqeyntan.

Degmada Afgooye oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maamusha dowladda Soomaaliya, inkatsoo Deegaannno ku dhow-dhow ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab oo looga shakisan yahay inay duqeymihii ka dhacay xalay degmadaas ay ka dambeeyeen.

“Xalay waxaa Xaafadda Xaawo-taako ee Degmada Afgooye. Madaafiicda Qaar ka mid ah ayaa ku dhacay Lix Guri, halka kuwo kalena ay ku dhaceen Waddooyinka Afgooye,” ayuu ruux ka mid ah dadka ku nool degmada Afgooye u sheegay BBC-da.

Goob-joogahan oo aan magaciisa sheegin Sababo dhanka Amaanka ah ayaa intaa ku daray, inuu arkay 11-ruux oo dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen duqeymaha, kuwaasoo ay ku jireen Waayeel, Carruur iyo Haween. Waxayna Hoobiyeyaashu ay bur-bureeen guryihii ay madaafiicdu ku dhaceen.

“Qaar ka mid ah Dhaawacyada Waxaa saakay loo Qaaday isbitaallada Muqdisho si loogu daweeyo, Qaar kalena waxaa lagu Daweynayaa isbitaallada Afgooye,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogahan.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd sida ay ahayd Xaaladda Degmada Afgooye markii Xalay ay Duqeymuhu billowdeen, ayaa ku Jawaabay in Xalaaddu ay aad u Kacsan, Waayo Afgooye ayuu sheegay inaan looga baran inay ku soo dhacaan madaafiic.

“Degmada Afgooye xalay lagama seexan, shacabkana walaacyo xoogggan ayay ku beereen duqeymahan, Tusaale ahaan Aniga iyo qoyskeyga xalay oo dhan ma aansan seexan, baqdin weyn ayaanan qabnay, waxaana mar walba shaki ka qabnay inay duqeymo kale dhacaan & in kale ,” ayuu hadalkiisa ku daray ruuxan ka mid ah shacabka ku nool degmada Afgooye.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka degmada Afgooye ayaan weli ka hadlin duqeymihii xalay lagu weeraray degmada Afgooye, iyadoo sidoo kale aysan jirin cid sheegatay in ay ka ahayd mas’uul duqeyntaan, laakiinse Shakiyada la qabo ayaa ah inay Al-shabaab ka dambeysay.

Ugu dambeyn, Hoobiyeyaashii Xalay lagu Weeraray Afgooye ayaa ku soo beegmaya Xilli Toddobaad gudihii ay Al-shabaab qaraxyo ay dad badan ku dhinteen ka fulisay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya