4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
Somalia oo dadaal xooggan ugu jirta sidii ay ugu biiri lahayd Ururka dalalka Bariga Afrika ee EAC


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd Ururka ay ku bahoobeen Dalalka Bariga Afirka ee EAC-da, kaas oo dhawaan ay ka mid noqotay Xukuumadda Suudaanta Koonfureed, laakiin Somalia aan loo ogolaan inay ka mid noqoto Ururkaan.

Qunsulka Safaarada Somalia ee Tanzania ahna ku-simaha Safiirka, Maxamed Xasan Cabdi oo ka mid ahaa xubnihii ka qayb-galay Shirkii 17-aad ee ururka EAC ay ku yeesheen dalka Tanzania ayaa sheegay inay jawaab dhaqso ah ka sugayso Wadamada ku bahoobay ururka, taasoo la xiriirta ka mid noqoshada Somalia ee xubnaha ururkan.

“Waxaan ka mid ahaa xubnihii shirka lagu casuumay, waxaanu tagnay 29-kii Feb 2016-ka, waxaana goob-joog ahaan uga qayb-qaadanay shirkii Golaha Wasiirada ee Ururka EAC-da iyo midkii Madaxweynayaasha, iyadoo intii kulammadaan ay socdeen laga dhawaajiyay in Somalia go’aan kama dambeys ah la siin doono si ay uga mid noqoto ururka,” ayuu yiri ku simaha safiirka Somalia ee Tanzania.

Sidoo kale, Qunsulka ayaa xusay in shirka 17-aad ee EAC si weyn loogu soo dhaweeyay xubnihii matalayay Soomaaliya, isla markaana la siiyay ballan-qaad buuxa oo ku aaddan ku biirista ururka ee Soomaaliya.

“Tan kale, Waxaa naloo ballan-qaaday in la sii wadi doono sidii Somalia ay uga mid noqon lahayd Ururkaan, Dhawaanna Waxaa loo diri doonaa Soomaaliya Guddi ka socda EAC-da, kaasoo Wada-xaajood la sameyn doonta Dowladda Soomaaliya; waxaana ku guulaysannay inaan u Gogol-xaarno sidii aan Sannadka soo socda ee 2017-ka ay Somalia uga mid Noqon lahayd ururka,” ayuu Qunsulku mar kale yiri.

Dhanka kale, ku simaha Danjiraha Somalia ee Dalka Tanzania, isla markaana ah Qunsulka Safaaradda ayaa intaas ku daray in ka mid Noqoshada Somalia ee Ururka EAC ay ku xiran tahay hadba sida dowladda Somalia ay uga soo baxdo shuruudaha laga doonayo.

 

Ugu dambeyn, Hadalka Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania ayaa kusoo imaanaya iyadoo ka mid Noqonshadii Ururka EAC ee Soomaaliya dib loo dhigay illaa Shirka 18-aad ee dalalka ku bahoobay ururkaan ay isugu imaanayaan 2017-ka, markaasoo go’aanka kama dambeysta ah uu soo bixi doono.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]