4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 4 , 2016
Puntland oo Qabatay Doomo Kalluumeysi oo Sharci Darro Kujillaabanayay

Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL)-Doomo kalluumeeysi oo si sharci darro ah uga jillaabnayay badda maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa waxaa soo qabtay ciidamada Puntland.

Dhowr doomood iyo shaqaalihii ka shaqeynayay ayaa haatan waxaa haya dawlada Puntland. Doomaha ayaa waxaa laga soo qabtay biyaha badda ee ku dhow magaalada Caluula. Doomahaas ayaa waxaa laga leeyahay dalka Yemen.  

Tobaneeyo shaqaale ah ayaa saarnaa doomahaa oo ay kujireen Soomaali garwadeeno u ahaa dadkaa sida sharci darrada ah ku jillaabanayay. Baaritaan ayaa waxaa kuwada dadkaa iyo doomahaa dawlada Puntland ayadoo doomaha lagu hayo Bossaso.

Tan iyo markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay sanadkii 1991 ayaa kalluumeysato ajnabi ah oo sharci darro kujallaabta ay xaabinayeen kheyraadka badda ee Soomaaliya gaar ahaan kalluunka.

Aden Maxamed Warsame
Hiiraan Online
[email protected]