4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
CALI GAAB: Amni-xumida Muqdisho ka jirta ma aha kuwo ay ka dambeyso Al-shabaab oo keliya


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa sheegay in Falalka Amaan-darrada ah ee ka dhaca Muqdisho aanay ahayn cidda fulinaysa Al-shabaab oo keliya, laakiin ay jiraan dad kale oo si xun wax ku raadinaya.

Jen. Cali Gaab, ayaa sidoo kale Xusay in Duqeymaha mararka qaarkood lala soo beegsado Goobo ka tirsan Muqdisho aysan ahayn kuwo ay soo ridaan Al-shabaab oo keliya, balse ay jiraan dad kale oo ku lug leh, kuwaasoo aanu carrabaabin.

“Boqolkiiba boqol, anigu ma qabo in Hoobiyeyaasha Xaafado ka tirsan Muqdisho laga soo Tuurayo ay Al-shabaab oo kaliya ka dambeyso, waxani ma ahan dagaallo Caalami ah, waa kuwo diiddan nabadda iyo nolosha dadka ama si kale wax u raadinaya,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhawr jeer weerarro noocan oo kale ah laga hor-tagay, meelihii ugu dambeeyay ee madaafiicdaan laga soo tuuray ay ahaayeen goobo la deggenaa, xitaa waxaa jira kuwo laga soo tuuray dhisme fooq ah oo ay korkiisa degenaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

“Dadka lugta ku leh arrimahaan ayaad waxaad mooddaa caqligooda in garaado iyo sumcad lagu helayo ama doonaya inay xoog ku helaan xil. Shacabka magaalada Muqdisho Waxaan ka doonaynaa haddaanan kuwaas innagu arki karin iyaga ayaa arkaya, ciidamada ayay wici karaa ama dad Waddaniyiin ah, waa inay nagu soo Wargeliyaan,” ayuu taliye hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan sheegtay in hoobiyeyaashii dhawaan lagu soo tuuray Madaxtooyada Somalia iyo xaafadaha u dhow-dhow loo qabtay tiro dad ah & Gaadiid looga shakisan yahay in laga madaafiicdan laga soo dhex-tuuray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya