4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay in ay adeegsanayso Hubka halista ah ee Nuclear-ka


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un, ayaa Millateriga Dalkiisa ku amray inay isku diyaariyaan Adeegsiga Hubka halista ah ee Nuclear-ka xilli kastaa oo loo baahdo.

Wakaaladda Wararka North Korea ayaa baahisay in Hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong-Un, uu sheegay in millatariga dalkaasi ay tahay inay isku diyaariyaan sidii ay u qaadi lahaayeen Weerar is-difaacid ah.

Sidoo kale, Hadalka Kim Jong-un ayaa kusoo beegmayso xilli Xiisadda adag ay ka aloosan tahay gacanka Kuuriya, kaddib markii bishii Jannaayo ee Sanadkan 2016-ka ay Woqooyiga Kuuriya tijaabiyay hubka Nuclear-ka ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay Tijaabada dalkaas uga jawaabay cunna-qabteyn cusub ay kusoo rogtay toddobadkan.

Kim Jong-un, oo dhawaan Kormeerayay Gantaallada Dalkaas uu leeyahay ayaa ku sheegay hadal uu jeediyay in millateriga waddankiisa ay tahay inay Nuclear-ka xoojiyaan tiro ahaan iyo tayo ahaan, isla markaana madaxyada Hubkaan halista ah ay heegan geliyaan si Weerar is-difaacid ah ay u qaadi lahaayeen.

“Waa in aad isku Diyaarisaan sidii aad Weerar is-difaacid ah u qaadi lahaydeen mar walba oo loo baahdo,” ayuu yiri Jong-un oo hadal u jeediyay Saraakiisha ciidamada dalkaas, sida ay baahisay wakaaladda wararka North Korea.

Dhanka kale, Hanhabaada noocan oo kale ah ayaan ahayn mid ku cusub dalka Waqooyiga Kuuriya, Laakiinse Khubaradda Kim Jong-un ayaa Shaki weyn laga qabaa in Waddankaas uu isticmaalo hubkiisa Nuclear-ka ah.

Ugu dambeyntii, Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa Waxay muddo aad u fog Colaado Adagi kala dhexeesay dalka ay dariska yihiin ee Koonfurta Kuuriya, waxaana labadaan dal dhowr jeer dhexmaray dagaallo khasaare badan dhaliyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya