4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
DOOD aad u Kululeyd oo Dhex-martay Xubno ka Tirsan Murashaxiinta Xisbiga JAMHUURIGA


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Donald Trump ayaa ka qayb-qaatay dood toos ahayd oo aad u Kululeyd oo xalay laga tabinayay Telefishinka FOX NEWS, taasoo ahayd mid Dhex-martay Musharraxiinta Xisbiga Jamhuuriga ah ee Dalka Mareykanka. Ted Cruz iyo Marco Rubio ayaa aad u kululeeyay Mr. Tramp.

Dooddaan, ayaa sidoo kale Waxaa ka Qayb-qaatay Murashaxa kale ee Jamhuuriga, ee lagu magacaabo John Kasich oo Raggaan Afar ku ahaa.

Mid kasta oo ka mid ah Murashaxiintaa waa inuu sii wado ololaha si uu isugu dayo inuu ku Guuleysto codadka Gobollo kale oo dhawr ah, Xitaa haddii Qaarkood og-yihiin inaan lasoo magacaabeyn.

Rubio iyo Trump ayaa mar si caro leh oo kulul dhagaha isaga raacay doodda gudaheeda oo waxaa waqti ay ku qaadatay in Xiriiriyeyaasha dooddu ay Qaboojiyaan Wax-xoogaa.

Ugu dambeyn, Donald Trump ayaa waqti dheer oo dooda ka mid ah ku bixiyay ka hadalka Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, George W. Bush inuu ku Guul-darreystay inuu ka hor-tago Weerarkii 9/11 iyo in Bush uu ka been Sheegi jiray in Dalka Ciraaq uu heystay Hubka wax Gumaada.

Aden Maxamed Warsame
Hiiraan Online
[email protected]