4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2016
WARAN-CADE: Waxaan Qabanay Qaar ka mid ah kooxihii toogashada ku dilay Col. C/risaaq Caseyr


Jimco, Maarso 04, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay ciidamada Somaliland gacanta ku dhigeen siddeed ka mid ah kooxihii ka dambeeyay dilkii taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil, Col. C/risaaq Yuusuf Caseyr, kuwaasoo Tiradoodu uu 11-qof ku sheegay.

Cali Waran-cadde oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in dableydan lagu qabtay hawl-gal gaar ah oo ciidamada amniga Somaliland ay ka sameeyeen dhul buuraleyda ah ee Bari kaga beegan Berbera.

‘‘ALLE mahaddii ciidamada amniga Somaliland waxay ku guuleysteen hawlgal ay kusoo qabteen sidddeed ka mid ah kooxihii ka dambeeyay dilkii Gaashaanle C/risaaq Caseyr oo ahaa taliyihii Qaybta booliiska ee gobolka Saaxil,” ayuu yiri wasiir Waran-cadde.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hadalkiisa ku daray in Raggan ay Qabteen uu midkood yahay Dhaawac, Hawl-galkii lagu soo Qabtayna uu ku Dhammaaday guul, isla markaana lagu daba-jiro saddex ka dhiman burcaddan dilkaas geysatay.

“Raggan waxay ka mid ahaayeen kuwii dilka u geystay Gaasaanle C/risaaq Yuusuf Caseyr oo marayay Deegaanka Biyooleey oo ka tirsan Gobolka Saaxil, Waana Guul weyn in lasoo qabtay intooda badan,” ayuu Wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, Marxuum Col. C/risaaq Caseyr ayaa lagu wadaa in Maanta Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan Mas’uuliyiinta ugu sarreeya Xukuumadda Somaliland.

Ugu dambeyn, qabashada sideedan qof ee la sheegay inay dilka sarkaalkan ka dambeeyeen ayaa imaanaysa, kaddib maalin ka hor markii uu bannnaanbax weyn oo looga soo horjeedo Dilka Sarkaalkan uu ka dhacay Magaalada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo lagu dalbanayay in lagu soo qabto dabeydii dilkaas ka dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya