4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Madaxweynaha, RW & gudoonka BF oo ka hadlay Geeridii ku Timid Marxuum Cabdi X. Goob-doon


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid iyo Guddoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii maanta ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, oo isla manta lagu aasay Muqdisho.

MADAXWEYNA: Cabdi X. Goobdoon wuxuu ahaa hawlkar taariikhdu xusi doonto;

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray ehellada, qoyskii iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka Geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum; Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa la-taliyaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ee dhanka Warfaafinta.

“Inna Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun… Allah u naxariisto marxuumka. Wuxuu naftiisa iyo waqtigiisa u huray inuu u shaqeeyo ummaddiisa illaa ay geeridu uga timaaddo. Wuxuu ahaa Hawl-kar Waddankiisa wax badan u qabtay, Taariikhduna Xusi doonto. Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Naxariistii Jannatul Fardowsa ka Waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon oo saaka ku geeriyooday Muqdisho, wuxuuna ahaa ruug-cadaa saxaafadeed, isagoo soo noqday afhayeenkii madaxtooyada Somalia, Agaasimihii guud ee Wasaaradaha warfaafinta & shaqada, isboortiga & Arrimaha Bulshada iyo isagoo weliba ka mid ahaa dhallinyaradii lagu aasaasay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Ruushka.

Ugu dambeyn, Allaha u Naxariistee Marxuumka wuxuu Waqtiyadaan dambe ku hawlanaa dib u soo nooleynta iyo tayeynta Saxaafadda Soomaaliya, iyo isagoo xubin ka ahaa Akadeemiyada dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad goboleedka Afka Soomaaliga.

Guddoonka Baarlamanka Somalia oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Cabdi X. Goobdoon;

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, carruurta, bahda saxaafadda iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u Naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la taliye u ahaa guddoonka baarlamaanka Somalia, saakayna kug eeriyooday Muqdisho.


Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho lana Aasay

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan guddoonka baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka; waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qosyka, carruurta, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo aan uga Tacsiyeynayo geeridii ku timid, Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo la-taliye u ahaa Gud-doonka Golaha Shacabka; Waxaana ALLE uga baryayaa inuu Naxariistiisa Janno siiyo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka Somalia, Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa Alle ka baryay inuu Samir iyo Iimaan naga wada siiyo – Ruug-caddaaga Saxaafadeed; Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, isagana uu kitaabkiisa midigta ka siiyo.

RW SOMALIA: Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu ahaa tiir ay Shacabku Tebi doonaan;

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo ehelladii uu ka Geeriyooday Ruug-caddaagii Saxaafadeed; Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa la-taliyaha RW ee dhanka saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn kasoo qaatay Saxaafadda Soomaaliya.

“EEBBE ha u naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ka baxay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, cid walbana way garaneysaa kaalintii & howshii wanaagsanayd ee uu Dalkiisa u soo qabtay intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabkana ALLE Samir iyo iimaan haka-siiyo,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Ugu dambeyn, RW Cumar ayaa marxuumka ku sifeeyay tiir ka baxay dadka Soomaaliyeed oo dhan, sidoo kalena uu ahaa weriye Ruug-caadaa ah oo taariikh ma guurto ah uga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhammaan bahda saxaafadda meel walba oo ay joogaan. Wuxuuna marxuumku ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
M
uqdisho, Soomaaliya