4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Ciidamada Kenya oo isaga baxay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose

Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa saaka aroortii hore isaga baxay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, halkaa oo ay ku lahaayeen saldhig miilitari.

Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa degmagaasi Al-shabaab kala wareegay 02-dii bishii Febraayo sanaddii 2012.

Gudoomiyaha gobolka J/hoose C/Rashiid Cabdullaahi Gooni ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay saaka gabi ahaanba isaga baxeen degmada Badhaadhe, isagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin sababaha ka danbeeyay ka bixitaankooda degmadaasi.

15-ka bishan ayay ahayd markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen saldhig weyn oo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganka Ceelcade oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo ay qasaaro xooggan kazoo gaareen ciidamada Kenya, ayadoo Al-shabaab ay sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay 100 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, qaar kalena ay nolosha ku qabteen.

Kenya ayaa eedeyn u jeedisay AMISOM, iyadoo sheegtay in ay ka fiirsan doonto kamid ahaanshaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Goobjooge ku sugan degmada Badhaadhe oo ay HOL qadka ugu waramay isagoo codsaday in aynan magaciisa xigan, ayaa sheegay in ay halkaasi ka jirto cabsi, ciidamada Kenyana ay gabi ahaanba ka baxeen degmada, isagoo intaa ku daray in Al-shabaab ay ku sugantahay duleedka degmada.

Badhaadhe ayaa noqoneysaa saldhiggii labaad ee ay ciidamada Kenya isaga baxaan, ayadoo ay xusid mudantahay in sidoo kale ciidamada Kenya ay isla shalay ka baxeen saldhiggii ay ku lahaayeen deegaankii dhawaan lagu weeraray ee Ceelcadde.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.