4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanka Ceel-Cade

Hiiraan Online
Talaaldo, January 26, 2016

Beled Xaawo (HOL) - Ciidanka dowlada Kenya ee qeybta ka ah ciidanka midawga Afrika ee kusugan wadanka Soomaaliya ayaan saakay isaga baxay deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka oo lahadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ciidanka Kenya oo wata dabaabado dagaal iyo baabuurta gaashaaman ay u dhaqaaqeen dhanka xuduuda Kenya ay laleedahay dalka Soomaaliya.

Dad deegaanka ayaa cabsi ka muujiyay in xaalada magaalada oo iminka ah meel aysan cidina maamulin lagana yaabo in ay dib u gasho gacanta xarakada Al Shabaab.

Dowlada Kenya ayaanan ilaa hada ka hadlin sababta ay ciidankeeda ugala baxday Ceel-cade balse arintan ayaa imaaneysa todobaad ka dib markii saldhig ay ciidamada Kenya ku lahayd halkaas  ay weerareen xarakada Al Shaba kuna dileen ciidamo Kenyaan ah.

Al Shabaab ayaa horay u sheegatay in in kabadan 100 askari ay kudileen weerarkaasi hase yeeshee dowlada Kenya ayaanan ilaa hada kahadlin tirade askarta kaga dhimatay Soomaaliya.